Duulimaadkii diyaaradaha Yurub oo weli xaniban
Malaayiin ku xaniban Ayroboorada iyo Duulimaadkii diyaaradaha Yurub oo Folkaano hortaagan tahay!
Laga soo bilaabo khamiistii oo ku beegnayd 15kii Abrill 2010, waxaa joogsaday oo dhulka yaal dhamaan diyaaradihii isaga gooshi jiray Yurub iyo adduunka kale, iyo isla markaas dalalka Yurub dhexdooda.
Rakaab kor u dhaafay Boqolaal kun ayaa gegooyinka diyaaradaha daadsan, waxaana weli mugdi ku jira waqtiga ay socdaali doonaan. Diyaaradaha fadhiya ilaa khamiistii hore iyo gegooyinka xiran, waxaa lagu qiyaasay in maalin kasta ay qasaaraan ilaa 200 oo million, waxaana mashaqaadaas sababay ‘Folgaano’ dab, qiiq iyo dambas tuuraysa. Taas oo ka kacday dalka loo yaqaan ‘Iceland’ oo ku yaal dhanka Waqooyi ee Qaaradda Yurub.
Folkaanadu marka ay hawada gasho, waxaa la sheegay in ay sii firdhinayso walxo yaryar oo haddii ay la kulmaan matoorada diyaaradaha, in matoorku is-deminayo, ka dibna diyaaraddu dhacayso, qarxayso!
Sidaas darteedna, ururada diyaaradaha qaabilsan, shirkadaha duulimaadyada iyo Madaxda dawladaha reer Yurub oo ay taabanayso arrintani, waxaa la isku raacay in wax walba laga hormariyo amaanka dhoofayaasha (Rakaabka diyaaradaha).
Dalalka ay hareeyeen Daruuraha 'dambaska' ah ee Folkaanada, diyaarad kacdana ayan jirin, waa 'Austria, Belgium, Bulgaria, Czech Republic, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Latvia, Luxembourg, Netherlands, Poland, Slovakia, Sweden, Switzerland iyo dalka UK'.
Dalalka Italy, Norway iyo Spain iyagu xiran yihiin qayb ahaan, oo ay ayroboorada qaar diyaarado ka kacaan. Warbixinada ugu dambeeyey ee ee Xafiiska Saadaasha Hawada ee dalka UK, wuxuu tibaaxayaa in weli aan la sii sheegin Karin inta ay qaadan doonto in Folkaanadu joogsato oo hawadu furanto. Isla markaas, warbaahinta dalalka caalamka waxaa buuxiyey warark ku saabsan folkaanada, Duulimaadyada iyo Ayroboorada Yurub!
Kasmo Online



