Home | Warar | Qayb kale oo Haween Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsiyada Liibiya

Qayb kale oo Haween Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsiyada Liibiya

image Haween

Qayb kale oo Haween Soomaaliyeed ah ayaa laga sii daayay Xabsiyada Liibiya, waxaana hawshaan aad uga shaqaynayay Madaxda cusub ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Tripoli

Qayb kale oo Haween Soomaaliyeed ah ayaa maanta laga sii daayay Xabsiga 'Zawia' ee magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, waxaana hawshaan si fiican uga shaqaynaya  Madaxda cusub ee Safaaradda Soomaalida ee Tripoli.

Haweenkan ayaa iyagoo mashaxaradaya, una ducaynaya Madaxda cusub ee Safaaradda ka soo baxay maanta Xabsiga, waxaana wejiyadooda ka muuqday farxad aan la qiyaasi karayn.

Guddiga hawshan ku guda-jira oo uu hor-kacayo La-taliyaha Safaaradda Soomaalida:-Muxyaddiin M.Kaalmoy ayaa weli waxaa hor- yaal hawlo la rabo in xal kama dambays ah loogu helo Soomaalida ku jirta Xabsiyada Liibiya.

Soomaalida ku jirta Xabsiyada dalka Liibiya ayaa waxaa lagu eedaynayaa in ay ku guda-jireen falal u tahriibid dhanka Yurub ah,oo loo marayo Badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub.

Danjiraha cusub ee Safaaradda Soomaalida ee Tripoli: Cabdulqani Maxamed Wacays ayaa kula dardaarmay guddigan in ay ka mira-dhaliyaan hawla kale ee u harsan,talooyinna ka keenaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha caqabadda noqon kara.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text