Yemen:-Burcad-Badeed Soomaaliyeed oo lagu maxkamadaynayo Gobolka Xadramowt
Waxaa lagu soo eedeeyay qafaalashada Maraakiib maraysay biyaha dawliga ah.
Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in Burcad-Badeed Soomaaliyeed lagu maxkamadaynayo Gobolka Xadramowt ee Bariga dalkaas.Kuwaas oo ku eedaysan qafaalashada Maraakiib maraysay biyaha Dawliga ah.
Maxkamadda oo maalmahan ka socota Xadramowt ayaa la soo hor-taagay Burcad-Badeed Soomaaliyeed oo toddoba nin ah,iyadoo goobtana la keenay qalabkii ay ku adeeganayeen Burcaddu.
Qalabka la keenay Maxkamadda oo laga helay eedaysanayaasha ayaa isugu jiray qoryaha AK-ka, qasnado, Baazuukayaal, qalabka isgaarsiinta iyo kuwa kale oo kala gediisan.
Warka ka imanaya Mukalla(Xadramowt) ayaa intaas ku daraya in ay Burcad-Badeeddu ka hor-qirteen Maxkamadda dambiyadii lagu soo eedeeyay.
Maraakiibta ay Burcaddu qafaasheen ayaa laga lahaa dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo dalal kale.
Dembiyaha lagu soo eedeeyay Burcaddan ayaa waxaa ka mid ah: in si sharci-darro ah ku soo galeen Biyaha dalka Yemen, kana geysteen falal qafaalasho ah iyo jaraa'im.
Maxkamaddan ayaa dib dambe laysugu soo noqon doonaa.
Kasmo Online..




