Home | Warar | Madaxweyne Shariif oo la kulmay Ra'iisal Wasaare Gordon Brown

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Ra'iisal Wasaare Gordon Brown

image Gordon Brown iyo Shariifka

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo gaaray dalka Britrain iyo Gordon Brwon oo ku qaabilay Aqalka 10 Downing Street.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo haatan booqanaya dalka Britain ayaa la la kulmay Ra'iisal Wasaare Gordon Brown, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada Dawladood. Waxaa kulankoodu ka dhacay Xafiiska Gordon Brown, 10 Downing Street

Madaxweyne Shariif oo halkaas ku jooga booqasho ayaa waxaa kaloo uu wada hadal la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda David Milliband.

Waa markii ugu horraysay oo uu R/Wasaaraha Xafiiskiisa ku qaabilo Madaxweyne Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay dhicitaankii Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaana loo arkayaa kulankaan mid muhim ah.

Madaxweyne Shariif waxaa socdaalkiisaan ku weheliya masuuliyiin sare oo ka mid ah Dawladdiisa, sida Ra'iisal Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka maaliyadda Shariif Xasan, Arrimaha Dibadda Cali A.jaamac Jengeli iyo madax kale.

Muddada uu Shariifku joogo Britain wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalkaas.

Kasmo Online.

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text