Dacweynta Gen. Samatar
General Samatar oo dacwad loogu haysto Maraykanka
Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa 3dii bishan Maarso 2010bilowday dhegaysiga dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenkii1aad ee Somalia Gen. Maxamed Cali Samatar, isagoo ay soo dacweeyeen shan qof oo Somalia ah oo sheeganaya inuu General Maxamed Cali Samatar mas’uul ka ahaa jirdil iyo xadgudubyo kaloo loo geystay, sanooyinkii uu ahaa Hoggaankii Ciidamada Qalabka Siday ee Soomaaliya.
Waxaa wararku sheegayaan in qareennada difaacaya General Samatar ay ku doodaya in generalka aan dacwad lagu soo oogi karin, maadaama uu yahay masuul sare oo ka tirsanaa dowlad madax-bannaan oo uu Mareykanku aqoosanaa, isla markaana uu jiro sharci mamnuucaya in masuuliyiinta dalalka ajnabiga ah la dacweeyo.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah kasoo saarto in la dacweyn karo General Samatar iyo in kale. Go’aankaas oo laga yaabo soo bixistiisu in uu qaato muddo 6 bilood dhan.
Amuurta ku saabsan 'dacweynta' General Maxamed Cali Samatar, Wargeyska Kasmo wuxuu kaga hadli doonaa tirsiyada dambe, isagoo xog dheeraad ah iyo faaqidaad, dhinacyo kala duwan ka eegaya. La soco…
Xigasho: Wargeyska Kasmo, 4tii Maarso 2010, London (UK)




