Ashabaab iyo UK
Ururka Ashabaab oo xayiraad looga soo rogay dalka UK
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain, Alan Johson ayaa soo saaray go’aan dalka Britain looga mamnuucayo ururka Al-Shabaab oo xiriir dhow l leh Shabakadda Alqaacida ee uu hoggaamiyo Osama Bin Ladin, tas oo Ashabaab ka dhigaysa urur ka mid ah kuwa aggixisada ah.
Go’aankan oo laga bilaabo 1da Maarso 2010, Ururka Xarakadul Mujaahiddiin Ashabaab ka dhigaya mid gudaha dalka UK mmnuuc ka ah, in laga taageero, lacag looga uruuriyo ama looga diro, iyo in xubin laga noqdo toona, ayaa wxaa la qiyasayaa in go’aankani ku lahaan doono Al-Shabaab saameyn dhinacyo kala duwan leh.
Alan Johson wuxuu sheegay in qaadashada go’aankan ay aad ugu adkayd, balse wuxuu tilmaamay in go’aankani yahay mid lama huraan ah, iyadoo dhaqan-gelintiis iyo in uu sharci noqo, loo baahan yahay in Baarku ansixiyo.
Ashabaab wuxuu hadda k taliyaa qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, wuxuuna dagaal adag kula jiraa waxa uu ugu yeero ‘Cadowga Ilaahay’ oo ay ku jirto Dawladda Federaala KMG ah ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo la filayo in uu maalmahan socdaal ku yimado dalkan UK.
Kasmo Online




