'British Madow, Botaan iyo Kitaab Gaduudan
British-ka Madow, Cabdullaahi Botaan iyo Kitaab Gaduudan
Habeenku waa khamiis, maalinta 18aad ee bisha Febraayo, sannadka 2010. Waxaa la joogaa magaalada London.
Cabdullaahi Bootaan iyo aniga laftayduba waxaan ka mid nahay dad ka casuuman iyo kuwa dhab ahaan ka qaybgelaya munaasabad dhici doonta fiidkaan.
Anigu kuwa casuuman ayaan ka mid ahaa, iyadoo Wargeyska Kasmo ka mid ah heyado warbaahin oo la danaynayey joogitaankooda. Laakiin Cabdullaahi Botaan isagu wuxuu ka mid yahay dadka leh munaasabadda lagu soo bandhigayo caawa BOOK ay iyagu leeyihiin.Waxaan ka ambabaxnay Kafeteriyo Cabdullaahi laftiisu leeyahay, ku taal meel ku dhow Xarunta Tareenada, waa Kings Cross Station. Waxaana khamiistaasi ahayd mid roob xoog lihi jiro, laakiin ma horjoogsan karin hamuunta aan u qabno in aan gaaro ‘The Free Word Centre’ oo ah goobta lagu soo bandhigayo ‘Red’ – Kitaabka Gaduudan.
Magacaan waxaa qaatay ‘Kitaab’ ka kooban uruurin gabayada ilaa 80 gabyaa oo kuligood ku abtirsada British-ka madow, waa uruurintii ugu horreysay oo muddo ka badan 10 sano la soo saaro. 80-kaas gabyaa waxay ka soo qaybgaleen, oo ka gabyeen, qofba sida isagu gaduud u arko... Natiijadii gabayadaas oo la kala xulay, la shaandheeyey, la isku duway, lana tifaftiray, ayaa habeenkaas, xarunta Free Word Centre lagu soo bandhigay Kitaab, laftiisiina loogu magac-daray RED: ‘The new anthology of Contemporary Black British Poetry’.
Waxay ahayd munaasabad intii la doono qurxoon, iyadoo ay ka soo qaybgaleen qorayaal sare, gabyaa waaweyn, filim-qaadayaa, saaxiibada dadka la soo badhigayo tacab-maskaxeedkooda iyo warbaahin kala duwan.
RED isla goobtii ayaa lagu kala boobay, oo qof walba u hormaray in uu gacanta la helo nuqul Gaduud ah. Khadija George, abaabulaha isku duwayey munaasabadda, isla markaasna ah Xoghayaha Haweenka ee Ururka Pen International ayaa iga horjoogsatay in aan nuqul RED ah lacagtayda ku iibsado!
Laakiin intii aanan weli qoonsan, waxay isla markiiba iigu laab dejisay in aanan meesha ka bixi doonin anoon Gaduud (RED) gacantayda ku jirin, waxayna iila soo gurmatay Kitaab Gaduudan oo ah kan hadda hortayda yaal, kaasi oo ay deeq ahaan u guddoonsiisay Tifaftiraha Wargeyska Kasmo.
Haah, RED waa Gaduud, waxaana ka buuxa uruurinta ilaa 80-kaas gabyaa, waxa ay kaga gabyeen gaduud, waxaana marka la furo, qofka 1aad ee la soo bandhigayo gabaygiisa noqday Cabdullaahi Botaan oo Geeska Afrika, isagu ah qofka keliya oo buugga kaga soo baxay, ay ishaydu qabatay.
Wargeyska Kasmo, wuxuu Cabdullaahi Bootaan u gudbinayaa hambalyo, heerkaas taariikhiga ah, waxaana u rajeynaynaa guulo kale oo badan.
Gabayga RED ee Cabdullaahi Botaan Gurweyne, faallo iyo tirsiga dambe, la soco..
C/qaadir Shire Faarax




