Home | Warar | Nairobi iyo Ololaha ‘Waayeelka Lamaan’

Nairobi iyo Ololaha ‘Waayeelka Lamaan’

image Kulankii Nairobi

Nairobi iyo Ololaha lagu sii deynayo ‘Waayeelka Lamaan’


21 Febraayo –Nairobi (Kasmo); Kulan si weyn loo soo qaban-qaabiyey, kuna saabsan sii deynta lamaanaha reer Britain ayaa maalintii Axadda 21ka Febraayo 2010 ka dhacay Hotel Brakaat, Nairobi, Kenya.
Halkaas waxaa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah, waxaana looga hadlay sidii loo sii deyn lahaa ’Odayga iyo Islaanta’ lagu haysto Soomaaliya. Wuxuu ahaa kulan xamaasad badan, oo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay ay muujiyeen in uu dhamaaday dulqaadkii, ayna lama huraan tahay in si degdeg ah loo sii daayo Waayeelka Lamaanaha ah.
Farriin adag ayaa kullankaas laga soo jeediyey, ku socotay dadka haysta lamaanaha, gaar ahaan wiilasha haysta iyo qoyska ay kasoo jeedaan, waxaana si toos ah ay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahankuba u sheegeen in ay wiilashu leeyihiin cinwaan ama ’Address’, kaas oo lagu tilmaamay in uu yahay qabiilkooda, nabadoonadooda iyo ehelkooda hoose, sida aabayaashood iyo walaalahood.
Waxaa kulanka laga soo jeediyey in ay dhamaatay in wejiga la kala duwo, lagana rabo beeshu in ay ka keenaan wiilasha dadka ay haystaan oo bed qaba, haddii ay doonaan naf ha ku waayaane.
Kulanka waxaa si weyn loogu soo qaaday in dowladda Britain ay ka dhowrayso Soomaalida in ay wax ka qabato arrinka. Waxaana lagu tilmaamay arrinkan in uu yahay mid weji gabax weyn ku ah Soomaalida, haddii aanay wax ka qabanina ay taariikh xumo keeni doonto.
Sidoo kale waxaa laga dooday, in ay lagama maarmaan tahay in dhulka Soomaaliyeed oo dhan lagala dagaalamo afduubka, iyadoo farta lagu fiiqay in deegaan kasta uu xil ka saaran yahay, beesha markaas u badan in ay ka shaqayso in aan halkaas la keenin dad afduub loo haysto.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaalida ayaa sheegay in ay culeys ku saari doonaan dhigooda beesha wiilasha haysata dadkaas biri ma gaydada ah. Waxay sheegeen wax garadkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la xisaabtamo, lagana wada shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa dadkaas beeca lagu doonayo, shuruud la’aan.
Dad Culimo ah oo goobta yimid, halkaasna ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, waxayna ku tilmaameen in  Afduubku’ yahay mid kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. ’Daanyeerku wax buu dafaa oo duurkuu la galaa, duqey looga dacwoodana ma laha’ in ay noqoto arrinkani ma aha ayaa laga sheegay goobta.
Kulanka oo saacado dhan socday, ayaa wuxuu u muuqday mid socday 20 daqiiqo oo qura, siduu xiiso gaar ahaaneed ugu lahaa ka soo qeyb-galayaasha. Wuxuu ahaa mid inta uu socday la wada aamusnaa, qofka markaas hadlayey mooyee. Wuxuu ahaa kulan dadka kasoo qeyb-galay tiiraanyeysan oo aad uga xumaayeen haysashada Waayeelkan Lamaan.
Guddiga Qaban-qaabada ayaa sheegay in dhaqanka Soomaalidu ahaa in dadkan oo kale la caawin jirray, maantana afduub loogu haysto madax-furasho! Waa fadeexad aan Soomaalida hore u soo marin.
Fannaaniinta kooxda horyaal ayaa iyaguna halkaas ku soo bandhigay heeso iyo Suugaan ay ku baraarujinayaan in qoyskan la sii daayo, iyagoo ku leh heestan:-

”Iska daaya iskaa daaya, iska daayaa,
Odeyga iyo afdiisa itaalka daran
Iska daayaaa,
Afduubku, afduubku, Afduubku
Ilaahaya raali kama ehee iska daaya-

Arrin weeye uguboo
Asal aanan u lahayn
Oon weligeeda la arag
Awoowayaasheena abid aan lagu maqal
Lagu maqal

Iska daaya iskaa daaya, iska daayaa,
Odeyga iyo afdiisa itaalka daran,iska daayaaa
Afduubku, afduubku, Afduubku
Ilaahaya raali kama ehee iska daaya-

Afrika iyo Oropa, aadmiga ku nool dunidaa
Dhaqan aaya liyoo
Arxan iyo wanaag ayaa lagu yiqiin
Lagu yiqiin Soomaalidaa, Soomaalidaa

Iska daaya iskaa daaya, iska daayaa,
Odeyga iyo afdiisa itaalka daran
Iska daayaaa,
Afduubku, afduubku, Afduubku
Ilaahaya raali kama ehee iska daaya”.


Hassan Bulhan Ali ayaa isna halkaas ka tiriyey gabay Geeraar ah ’Haddeer daayoo fasaxa’.
Wuxuu amrayaa in degdeg loo sii daayo dadka la haysto.

Kulankan oo gabi ahaanba ahaa mid Soomaalidu si weyn isaga kaashatay ayaa waxaa qaban-qaabiyey bahda Wargeyska Kasmo Nairobi iyo Soomaalida ku dhaqan Nairobi, waxaana Guddigii kulanka qaban-qaabiyey ahaayeen:-
1. Abdirizak Mohamed Diriye - Guddoomiye.
2. Ibrahim Mohamed Hussein - Xubin
3. Abdisatar Sabriye -  Xubin
4. Mohamed Ali Said – xubin
.

______________________________________________________

Waxaa gacan ka geystay, Wargeyska Kasmo (London), Alkheyr properties, Eastleigh Mall Ltd, YORD Youth organisation for relief and Development office Nairobi, Somali Embassy Nairobi, Amal Plaza,Garuun Investment, Fathi Guesti House and Sagal Travel Agency.
Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada kulankan Abdirizak Mohamed Diriye ayaa mahadnaq ballaaran ujeediyey shirkadihii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay inuu qabsoomo kulankan.

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text