Haween Soomaaliyeed oo laga sii daayay Xabsiyada dalka Liibiya
Tiro 32 Haween ah oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada Liibiya ayaa oodda laga qaaday.
Guddi uu magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliyeed ee dalka Liibiya: Cabdulqani M.Wacays ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo daayay xabsiyada dalkaas Haween ay tiradoodu gaarayso 32 Haween oo ka mid ah Soomaalida ku jirta Xabsiyada dalkaas.
Guddigan oo uu hoggaaminayay Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee Liibiya: Muxyaddiin M.Kaalmoy ayaa waxay kormeer ku soo kala bixiyeen Xabsiyada ay Soomaalidu ku jiraan oo ku kala yaalla Gobollo kala geddisan.
Haweenka Xabsiyada laga sii daayay ayaa waxay qayb ka yihiin Soomaali kale oo rag iyo dumarba isugu jira,kuwaas oo ay Madaxda cusub ee Safaaraddu u guntadeen in ay arrimahooda wax ka qabtaan.
Guddigan uu hor-kacayay Qunsulka ayaa meelihii ay tageen waxay la kulmeen Saraakiisha reer Liibiya ee madaxda ka ah Xarumahaas, waxayna gudigu dhagaysteen warbixinno ku saabsan Xaaladda Soomaalida ee meelahaas.
Soomaalida ku jirta Xabsiyada Liibiya ayaa qaarkood lagu soo eedeeyay in ay ku guda-jireen u tahriibid xagga Badda ah oo Xeebaha Liibiya ilaa Xeebaha Talyaaniga ah.
Waxay Safaaradda Soomaalidu haatan ku guda-jirtaa sidii xal wanaagsan loogu heli lahaa Arrimaha Soomaalida dalkaas.
Odayaasha Jaaliyadda Soomaalida ee Liibiya ayaa waxay ku eedaynayaan Rag Dallaallin ah iyo kuwa kale oo xagga Xawilaadda lacagaha qaabilsan, inay iyagu dhiirrigelinayaan Tahriibka, sababayaanna in ay dad badan oo Soomaaliyeed ku halligmaan badda.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dawladda Liibiya si xoog leh ula dagaallamayso Tahriibka xagga badda ah oo dalkeeda waddo loo maro oo ilaa Yurub ah looga dhiganayo.
Dadyow kala geddisan oo u badan Afrikaan oo ay Soomaaliduna ka mid yihiin ayaa ku sugan Liibiya.Kuwaas oo ka xoogsada halkaas ama isku deya inay u sii tallaabaan dhanka Yurub.
Kasmo Online..




