Home | Warar | Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo ku xiran Itoobiya

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo ku xiran Itoobiya

image Ethiopia

Laba Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku xiran Xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga...

Laba Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, kana soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil la socotay ayaa ku xiran magaalada Jigjiga ee Is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Labadan Xildhibaan oo lagu kala magacaabo:Xuseen Maxamed Gaagaale iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan ayaan ilaa iyo hadda la ogayn sababta ay halkaas ugu xiran yihiin.

Xildhibaan lagu magacaabo Cabdiraxmaan Kulmiye ayaa u sheegay Warfaafinta in ay Xildhibaannadaasu xireen Ciidanka Itoobiya, ayna halkaas iyagu u tageen Hawl,caddayntoodana ay siteen.

Waxaan ilaa hadda faahfaahin laga hayn hawsha ay Xildhibaannadaasu u tageen gudaha Itoobiya, waxa ay tahay iyo jihada laga adeejiyay intaba.

Dawladda iyo Itoobiya iyo tan Soomaaliya, weli wax war ah kama ay saarin arrinkan.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text