M/weyne Shariif:-"Kooxaha naga soo hor-jeeda waxaan ugu baaqaynaa wada-hadal"
Shariifka ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad loogu baroor-diiqayay Marxuum Sulaymaan Colaad Rooble...
Madaxweynaha Soomaaliya Sheriif Sh.Axmed oo khudbad ka jeediyay munaasabad loogu baroor-diiqayay Marxuum Sulaymaan Colaad Rooble, ayaa wada-hadal ugu baaqay Kooxaha ka soo horjeeda Dawladda.
Shariifka ayaa tibaaxay in wada-hadal iyo midnimo ayay yihiin tubta looga bixi karo dhibaatada Soomaaliya, taas oo keentay geerida dad badan iyo inay kumaan-kun kalena isaga cararaan dalka.
Madaxweyne Shariif ayaa intaas ku daray:-"Kooxaha naga soo hor-jeeda waxaan ugu baaqaynaa wada-hadal, si looga baxo dhibaatada dalka, wadajirna loogu adeego dalka iyo dadka Soomaliyeed".
Shariifka ayaa ku eedeeyay Xoogagga ka soo horjeeda dawladdiisa inay ku shaqeynayaa afkaar dibadda ah.
Xafladdaan oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qaybgelay Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana dhammaan loogu duceeyay Marxuum Sulaymaan Colaad Rooble, inuu ilaahey ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.
Wasiirkii Sportiga Sulaymaan Colaad ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Hotel Shaamow.
Kasmo Online..




