Home | Warar | Lamaane Afduuban

Lamaane Afduuban

image Kasmo Front page

London iyo Ololaha sii deynta ‘Waayeelka Lamaan’

14 Febraayo 2010 - (Kasmo):- Dalkan Britain waxaa si weyn looga dareemay oo taabtay Afduubka Waayeel Lamaan, waa Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel Chandler, kuwaas oo bishii Oktoobar 2009 laga qafaashay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya, haddana lagu hasto Degaanka Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Sidaas darteedna, waxaa maalmahan magaalada London iyo guud ahaan Soomaalida Britain ruxayey kulamo lagu dalbanayo soo deynta Waayeelkaas. Waxaana kulankii ugu ballaarnaa ee ilaa hadda arrintaas loo qabto ka dhacay Xarunta ‘Camden Centre’ ee degmada Camden. Halkaas oo tiro ku dhow Kun qof, galabnimadii Axadda ee 14ka bishan, isugu yimaadeen.  

Ururro iyo guddiyo kala duwan oo kulankaas ballaaran soo abaabulay ayaa midba mar kacay, oo tilmaamay sida ay dambi iyo karaamo dhac ugu tahay bini-aadanimada, dadnimada, sharafka iyo nasabnimada Soomaaliyeed, in qoyskan Lamaan, waa Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel Chandler, afduub loogu haysto Soomaaliya, madax-furashona lagu dalbanayo soo deyntooda!.

Waxaa kulanka guddoominaysay Fowziya Yusuf Xaaji Adan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee London. Ujeedada shirkaan waxay ku koobnayd hal arrin, waa qaadista Olole lagu garab istaagayey Paul Chandler iyo afadiisa Rachel oo ah muwaadiniin u dhashay dalkaan Britain.

Ololahaas oo kooxda afduubka u haysata loogu baaqayo in ay si degdeg iyo daahid la’aan ah faraha uga qaadaan, isla markaasna ayan jirin cid ay ka sugaan lacag madax-furasho, loona soo wadin.

Fariintu waxay ahayd: Sii daaya lamaanaha waayeelka ah ee aan wax dambi ah gelin.  Waxaa halkaas ka hadlay odayaal, haween iyo dhalinyaro iyo siyaasiyiin.Waxaa ka mid ahaa: C/qaadir Xaaji Masale, Cusmaan Jaamac Kaluun, Khalif Ashkir Diini, Maxamud Nuur Tarsan, Suldaan Maxamuud, Caasha Xaaji Diiriye, Xasan Cilmi Kaarshe, C/qaadir Maxamed Nuur, Nuurdiin Diiriye, Maxamed Afweyne iyo shaqsiyaad kale oo badan.

Waxaa goobta laga akhriyey farriin bogaadin ah oo ka timid qoyska iyo ehelada Lamaanaha Afduuban, iyagoo ka cududaaranaya maqnaantooda ama aysan imaan karin madasha, isla markaasna mahad ballaaran u celinaya bulshada Soomaaliyeed, dareenkooda ku aadan soo deynta Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel.

Gabar dhalinyaro ah ayaa Gabay ay ka tirisey Afduubka Lamaanahan  ka akhriday goobta, waxaana mahaca Kulanka lagu soo saaray baaq loo jeedinayo Burcadda haysata labadan qof ee Waayeelka ah.

Waxaa xusid gaar ah mudan inay kullanka kaalin muhiim ah ka qaateen fanaaniin uu horkacayey Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo ah ninka alifay heesta ‘Siidaaya Lamaanaha’ oo ah hees lagu dalbanayo in la siidaayo mawaadiniintaas aan wax ba galabsan ee lagu haysto dalka Soomaaliya. Fanaaninta ayaa goobtaas waxaa ay ka qaadeen heestii oo saameyn gaar ah ku yeelatay ka soo qeybgalayaashii kulanka.

Waxay leedahay heesta ‘Siidaaya Lamaanaha’:-

“DAGAALKII SOKEEYAHA

DIBINDAABYADIISIYO

WALI DIIFTII MAY HARIN

DADKII WEY QAXEENOO

QAARBAA DAGAAGII

DIYAARADA RAACOO

CARRO GAALO SII DAGAY

DIIR NOOMA EEGINE

AADANIMO DARAADEED

BEY NOO DARYEELEEN

DIB U BILOWNAY  NOLOSHII

DIINTEENA MUDAN IYO

DUGSIYADA QURAANKANA

CIDU NOOMA DIIDOO

WAA LOO DAREERAA

DAMEERKAAN AXSAAN FALIN

KALA GARAN DARIIQYADA

DAW WUXUU U LEEYAHAY

UMUSHAA DORAAD IYO

SHALAY DAMAQII SOO MARAY

DEG DEG UGU ILOWDEE

SIDEEBAAN DADKAAS WACAN

DAARAHOOD U DUMINAA

DARISKOOD U DIIDNAA

DOOFAAR UGU NIRAAHNAA

OGOW DULUCDA HEESTAAN

WAXAAN UGA DAN LEEYAHAY

DOOMAHA  SHISHEEYEE

DOOXATADA KU YIMIDEE

KALLUUN KEEN DANGIIGIYO

DALDALAAYA XOOLAHA

SUNTA AY KU DAADSHAAN

BADEENA AY KU DAADSHAAN

WAA IN LALA DAGAALAA

KULIGEEN LA DIRINAA

DIFAAC QARANA WEEYAA

WAXA NAGA DARDAARANA

DAMBI RUUXAAN KAA GALIN

OO DALXIIS KU JIRA OO

DAWAAFAAYA  BADAHAAS

DAMAC INAANU KAA GELIN

RABAA DEEQA BIXIYOO

IDIIN DOOJINAAYEE

AAN IDIIN DUCEYNEE

SII DAAYA LAMAANAHA 

RACHAEL IYO DUQEEDABA

PAUL IYO DUQDIISABA

ABAAL DURUGSAN BAA JIRA

DADKOODA AAN U HEYNEE

SII DAAYA LAMAANAHA

AAN IDIIN DUCEYNEE”.

Cabdullaahi Bootaan ayaa halkaas ka tiriyey gabay uu si farshaxan ah ugu dhisay arrinka Burcad badeedda ay u afduuban yihiin Lamaanaha British-ka ah, waa gabayga uu u baxshay ‘Dan guud’.  Waxaa isna goobtaas gabay uu ugu magac-daray ‘Birma-geydada daaya’ ka jeediyey Durraan Cabdullaahi Shirwac. 

Kulankaan ayaa waxaa uu markii ugu horeysay soo jiitay dareenka saxaafadda dalkaan Dalkan Britain oo iyadu si gaar ah u danaynaysay kaalinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ay ka qaadanayaan ololaha loogu jiro siideynta labada muwaadin ee afduubka loo haysto. Wariysiyo la xiriira ololaha loogu jiro siideynta lamaanaha ayey weydiiyeen dadweynihii ka soo qeybgalay kulanka. Taas oo markii dambe ay si weyn uga hadashay Warbaahinta dalkaan Britain.

Edward Devy MP oo ah mudane ka tirsan Baraalmaanka dalkan Britain, isla markaasna ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Xisbiga Liberal Democratic Party ayaa khudbad kooban halkaas ka jeediyey, kuna bogaadiyey dadka Soomaaliyeed ee Britain kaalintooda iyo ololaha goobta loo yimidba.

Waxaa sidoo kale Kulanka hadal ka jeediyey qaar ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee Degmooyinka London. Waxaa ka mid ahaa Clor Nic Russell oo ku hadlayey magaca Golaha Degmada Camden (Degmada kulanku ka dhacay) iyo Haweeney iyadu ka socotay Golaha Degmada Harrow. Waxayna dhamaantood bogaadiyeen kaalinta ay jaaliyadda Soomaaliyeed ciyaarsayo ololaha siideynta Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel Chandler. 

Abdisalaan Hareri oo ka tirsan Universal TV ayaa loogu amaanay kaalintooda, waxaana Ridwan Xaaji  oo ka hadlay goobta sheegay in barnaamijkoodii uu culays ku abuuray kooxdii haystay lamaanaha, taas oo ku kaliftay inay la soo xiriiraan maamulka TV-ga. 

Guud ahaan kulankaan oo ahaa garab istaag iyo hiil ayaa waxaa dhamaan dadkii hadlay ay ku baaqeen in si shuruud la`aan ah loo siidaayo labadan qof ee aan wax dambi ah galin.

Waxaa gaar ahaan si xooggan baaq loogu jeediyey dadka ku dhaqan degaanka Xarar-dheere oo ah meesha lagu haysto labadan qof. "Soomaali oo dhan waxa magan iyo marti u tahay reer Xarardheere, magacanaga iyo sharafkanaguna wuxuu ku xiran yahay sidii aad uga qeybqaadataan siideynta labadaan qof" ayuu yiri Khaliif Ashkir oo ka tirsan duqeyda jaaliyadda Soomaaliyeed ee London.

Dhamaan dadkii hadlay waxay dowladda Britain ku amaanan sida ay albaabada ugu furtay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dalkooda, halkaana ka helay sharciyo, Shaqo iyo nabadgelyo, waxayna sheegeen in aysan naga mudneyn inaan afduub ugu abaal-gudno.

Kulanku wuxuu ku soo dhamaadey jawi la rajeynayo inuu saameyn ku yeesho siideyntao ‘Waayeelkan Lamaan’ ee laga soo afduubtay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya. Kuwaas oo Wargeyska Kasmo afartii toddobaad ee la soo dhaafay si xiriir ah boggiisa hore (front page) ugu soo daabacayey Ololaha lagu dalbanayo siideynta Waayeelka Lamaan’.

Guddiga Qabanqaabada ee London Somali Festival ayaa hore uga soo saaray dhambaal baaq ah oo lagu dalbanayo: ‘Degdeg iyo Shuruud la’aan’ in loo soo daayo Lamaanahaas ku afduuban degaanka Xarardheere.

Guddi Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London u saartay qabanqaabinta Kulankaas ayaa waxaa guddoominjayey Maxamed Diirshe, wuxuuna ka koobnaa madax kala duwan ee ururada Soomaalida London, iyadoo Xarunta Camden Centre ee kulanku ka dhacay uu kharajkeeda bixiyey Ahmed Nuur Yusuf (Axmed Cawar) oo madax ka ah Somali Community Centre oo ka dhisan Degmada Camden ee shirka lagu qabtay.  

Wargeyska Kasmo, London 18kii Febraayo 2010

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text