Muqdisho:-Isu diyaarin dagaal hor leh..!!
Isu-diyaarin dagaal hor leh ayaa laga dareemayaa Muqdisho...
Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Dawladda KMG ahi Ciidamo hor leh iyo Saanad millatari ku soo ururinayso aagagga ay isku hor-fadhiyaan Xoogagga Mucaaradka ah.
Af-hayeen u hadlayay Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda KMG ah, ayaa sheegay in Weerarka ay dawladdu la maaggan tahay Xoogagga Mucaaradka uu yahay mid waqti kasta dhici kara.
Gaab-joogayaal ku sugan Muqdisho ayaa iyagu shaki gelinaya sida ay dawladdu Xoog millatari ugu maquunin karayso Xoogagga Mucaaradka.
Geesta kale Xukuumadda iyo Al-Shabaab ayaa mid kastaa sheegaya in Shakhsiyaad muhim ah ay mid kastaa kaga soo biireen dhanka kale.
Arrintani waxay dhacaysaa iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaacay ay Madaafiic iyo Hoobioyayaal dhinacyada iska soo hor-jeedaa isku weydaarsanayeen Woqooyiga Muqdisho.
Duqayntaas xagga Madaaficda ay ayaa sababtay geerida dhowr qof iyo dhimashada kuwa kale iyo waliba bara-kac.
Kasmo Online..




