Home | Warar | Jabuuti oo u diraysa Soomaaliya 450 Askari oo nabad ilaalin ah

Jabuuti oo u diraysa Soomaaliya 450 Askari oo nabad ilaalin ah

image Ciidan

Wasiirka Arr.Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday inuu dalkiisu u dirayo Soomaaliya 450 Askari oo nabadda ilaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumaddiisu u dirayso Soomaaliya 450 Askari oo ka qayb qaadan doona nabad ilaalinta.

Mr. Maxamuud C.Yuusuf oo ka qayb qaadanayay shirka wasiirrada A.Dibadda ee Midowga Afrika haatan uga socda magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ayaa intaas ku daray inay Ciidankaasu qayb ka noqonayaan kuwa AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya.

Wasiirka reer Jabuuti ayaa waxaa kaloo uu tibaaxay in Ciidankaas loo dirayo xagga Soomaaliya, ay haatan qaadanayaan tababarro gaar ah, si ay uga mira-dhaliyaan hawlgallada ay u baqoolayaan.

Warka ayaa intaas ku daraya in la filayo inuu Ciidankaas yimaado Soomaaliya bisha nagu soo aaddan.

Sida la og-yahay waxaa haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya Ciidamo kale oo nabad ilaalin ah, oo ka kala socda dalalka Ugaandha iyo Burundi, waxayna ilaaliyaan Xarumaha muhimka ah oo ay ka mid yihiin: Madaxtooyada, Gegida Dayuuradaha, Dekedda iwm.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text