London iyo Habeyn kaloo ‘Qaylodhaan ah’
Hogaanka xun iyo talo xumadu astaan uma aha in dadka Soomaaliyeed dareenkii iyo aadanenimadii laga xayuubiyey.
Habeenkii sabti, 9kii Janaayo 2010, bartamaha magaalada London waxaa ka dhacay isu-imaatin ballaaran. Boqolaal dad ah ayaa kulmay, isugu jiray rag, haween, dhalinyaro, aqoonyahan, fanaaniin, arday… Dhamaantood, waxaa loo kulmay hal arrin, waa xus Baroor-diiq ah oo loo qabtay dadkii lagu gumaaday Hotel Shamow, 3dii Disember 2009.
Dadka geeridooda goobta lagu xusayo oo loo baroor-diiqayo, waxay ka koobnaayeen arday maalintaas u fadhiday xaflad qalin-jebin. Sidoo kale, maamulkii iyo Barayaashii Jaamacadda Banaadir ee gudaha dagaalka sokeeye ‘Muqdisho’ ugu adkaystay in ay jiilka soo koraya waxbaraan.
Waxaa kaloo ka mid ahaa takhaatiirtii, marna ardayda macalimiin u ahaa, marka kalena ku howllanaa shaqada Isbitaallo kooban ee weli ka dhex jira Muqdisho. Kuwaas oo ku howllan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada ka dhasha dagaallada ka socda dhinaca kale ee magaalada.
Waxaa kaloo Xafladda yimid oo goobta fadhiyey Waaridkii ay ka suurto-gashay in ay ‘xabad dhexdeed’ ugu adkaystaan in ay caruurtooda jaamacad uga saaraan magaalada Muqdisho. Waxayna saaka u fadhiyaan arkidda sanooyin badan oo cabsi iyo dhib ah, mirihii ka dhashay dadaalkii la geliyey ardaygan hadda xafladdii qalin-jebintiisa la joogo. Waxaa kaloo iyana meesha fadhiyey saaxiibo, ehelo iyo dadweyne kala duwan oo u yimid goobta farxadda leh in ay kala qaybgalaan qalin-jebinta ardaydaas.
Waxaa yimid goobta Wasiiradii Tacliinta Sare, Waxbarashadii iyo Barbaarintii, Caafimaad, Dhalinyaradii iyo Sportiga, kuwaas oo doonayey in ay bogaadiyaan, waxna ka maamuusaan farxadda qalin-jebinta saaka halkan ka dhacaysa.
Laakiin wixii dhacay waa la ogaa! Qoon ‘Janno-doon ah’ oo dhagar soo hullaabtay, kuna hubeysan miinooyin wax halaaga ayaa iskula qarxiyey. Muuqaalka noocaas ah iyo caqliga caynkaas ah, cid kasta oo damiir leh waa ka nixiyey, ka anfariirisay, Somali iyo shisheeyaba.
Halkan London, guuldaradaas dhacday, ayaa 6dii Disember 2009 waxaa la qabtay kulan weyn. ‘Gabar ayaa ilmaynaysa oo ooyaysa, xaunuunka waxa dhacay dartiis. ka mid ahayd dadkii meesha isugu yimid. Ka dib maxaa dhacay?
Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar-jecel) oo ah curiyaha Heesta taariikhiga ah, waa ‘Qaylodhaan Waawareey’ ayaa wuxuu leeyahay, erayadan:
“Annigu nasiib uma yeelan in aan ka qeybgalo xafladaas (6dii Disember), balse Universal TV ayaan ka daawaday. Annigoo Universal TV fiirsanaya ayaan shaashadda ka arkay gabadhaan ooyeysa. Markaasbaan inta aan qol isku soo xiray,damcay in aan baroorto. Baroortiina waxay noqotay Qaylodhaan Waawarey!’.
Wixii markaas ka dambeeyey, Heesta ‘Qaylodhaan Waawareey’ waxay noqotay codka Malaayiin Soomaaliyeed oo xasuuqa iyo gumaadka heerkaas le’eg, caynkaasna loo fuliyey. Weliba qof diin iyo Wadaadnimo sheeganaya!
Warbixinta Soomaalida badankeed, TV-ga iyo gaar ahaan Shabakadda Internetka ee YouTube waxaa loogu baahiyey si aan weligiis Hees Soomaaliyeed u baahin, iyadoo ilaa maalintii Heeskaas la soo saaray ilaa maanta uusan xiisahihiisu kala dhicin.
Run ahaan ‘Qaylodhaan Waawareey’ wuxuu hordhac u yahay diidmo dhab ah iyo isabaabul caqli, aqoon, dadnimo iyo jeceyl ku dhisan. Qaylodhaantuna waa mid sii fidaysa ilaa laga gaarayo in qofka Soomaaliyeed xaq u yeesho in uu noolaado, isaga iyo Ilaahiisa la isaga dhex-baxo.
Qaylodhaantu halkeedii ayey ka sii socotaa, waxaana 9kii Jannaayo qabsoomay Baroor-diiq kale, halkaas oo lagu soo bandhigay Hees kale oo cusub, Cabdi Shire Jaamacna lagu guddoonsiiyey, Bulshadii Meesha isugu timid magaceeda, Shahaado Sharaf.
Hees kale oo habeenkaas iyana meesha laga qaaday waxay ahayd mid cusub, Waa Heesta ‘MA ISLAAMNIMAA TIRI?’ oo uu curiyey Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Gaas, waxayna leedahay:-
“UBAXII KORAAYIYO
ARDAYDII TACLIINTIYO
BARAHII AQOONTIYO
URURKA CAAFIMAADKIYO
OGAALKII WARBIXINTIYO
IFTIINKII DALKOO IDIL
ODAYADA KAN LAAYEE
QARAXII LA EEGTOW
INAA TAHAY INKAAR QABE
ARXANKIISU DARAN YAHAY
UMMADDU WEYSKU RAACDEE
IFKA MAGAC XUMAALOW
KUMA LIHID IJAABIYO
IFAFAALE KHAYR LEHE
AAQIRANA MEEL ROON
RABI KUGUMA AADSHOO
KAN ABAABULAAYEE
AAYAHA DALKEENIYO
AASAAYA NABADDEE
INDHAHA NAGA RIDAAYOW
AAFADA DHACAYSANA
TALO UGU IRMAATOW
EEDAAD GASHOON HARIN
U ADKEYSAN MEYNEE
ARLIGIYO DADKEENUBA
WAA KU WADA OGSOONYIIN
ALLE IYO RASUULKIYO
ASHAHAADO RUUX QIRAY
HALA JARO UNUUNAHA
MA ISLAAMNIMAA TIRI?
MAYA , MAYA, ISLAAMNIMADU MAY ORAN(HOORIS)
AQLKIINA GUBA OO
EHELKIYO XIGAALKIYO
UBADKIINA GOWRACA
MA ISLAAMNIMAA TIRI?
MAYA MAYA, ISLAAMNIMADU MAY ORAN (HOORIS)
MEELAAN AMAAN JIRIN
MA AHAATO NOLOSHUYEE
URUGIYO XANUUN QABA
MA ISLAANIMAA TIRI?
MAYA, MAYA, MAYA ,MAYA
ISLAANIMADU MEY ORAN (HOORIS)
WAXAAN EEDNAY IYO
ABTIRSIIMO NOO CUSKADE
ADDUUNKA NAGA DIB DHIGE
OON IYO HARAAD NA BADE
AARMIGA HUBKIYO BAMBADA
ASQIYO DAM NOOGA DHIGE
ALLAA NAGU BEERAYOO
ANNAGAA ISKA LEH DALKEE
OLOLINTA NOOGA DAA
ANNAGAA ISKA LEH DALKEE”.
Erayadii: Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Gaas
Laxankii: Jooqle Shire JAAMAC
Muusigii: Mustafa Axmed Karaama
CODADKII:
1.Jooqle Shire Jaamac
2. Cabdirisaq Ahmed Faarax (Gaadaco)
3. Nimco Maxamed Xassan (Nimco Dareen)
4. Faysal Yuusuf Cilmi (Faysal Yare)
5. Abuukar Shire Caweeye
6.Jihaan Siyaad (Jihaan Jalaqsan).
Wargeyska Kasmo




