WFP oo raashinkii ka joojisay 1 malyan oo waayeel iyo carruur ku barakacsanaa koofurta Soomaaliya .
1 Malyan oo carruur iyo waayeel ah ku barakacsan Koofurta Soomaaliya ayaa raashinkii WFP ka joojisay sababo la xiriira kooxaha diimaha ee ka dagaalama Soomaaliya.
Hayada WFP ayaa sheegtay maanta in gabi ahaanba raashinkii ay ka bixin jirreen gobolada koofureed ee Soomaaliya ay joojiyeen ka dib markii ay hanjabaado kala kulmeen ururuka Alshabab iyo ururrada kale ee diinta iyo iyadoo shaqaale lagaga dilay guddaha dalka Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay WFP oo lagu magacaabo Emilia Casella ayaa sheegay in ay lacago baad ah ku bixin jireen oo ay siin jirtay ururada diimiga ah bal in ay ogolaadaan in si nabad ah lagu gaarsiiyo raashinka dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah. Waxaa kale oo dhib naga haystay ayey tiri shaqaalaha dumarka ah, kuwaasoo kooxahani dalban jirreen in aysan rabin in ay arkaan qof dumar oo shaqaalle ah iyagoo ku sababeynayey dhanka diinta Islaamka.
Hayada ayaa goaansatay in ay shaqaalaheeda iyo xafiisyadeedaba u rari doonto bartamaha Soomaaliya kana rari doonto dhamaan deegaanada ay Alshabab gacanta ku hayaan. Waxayna hayadu sheegtay in ay u baahan tahay cid qaada masuuliyada shaqaalaheeda iyo xafiisyadeeda, iyadoo ay hayadu sheegtay in 4 qofna laga dilay, dhowr xafiisna laga bililiqaystay 18kii bilood ee u danbeeyey.
Horey ururka Alshabab waxaa uu soo saareen qoraal uu ku amrayo WFP in ay raashinka ka iibiso beeraleyda Soomaalida, ayna joojiso midka ay ka keeneyso dalka dibediisa.
Qoraalkan kasoo baxay WFP ayaa saameyn weyn ku yeelan doono dadka shacabka ah ee ku barakcaay dalka gudihiisa kuwaasoo si weyn ugu tiirsanaan gargaarka ay WFP u fidiso una badan dad waayeel ah iyo carruur Soomaliyeed.
Xaalada Soomaaliya ayaa ah mid aad u murugsan, waxaana la filayaa dadka ay maanta lasoo gudboonaatay warkan ah in aanay raashin danbe heli doonin in ay tiradoodu sii kororto sabab la xiriira amaanka oo sii xumaanay barakucuna sii badanayo maalinba maalinta ka danbeysa.
Mareykanka oo ah wadanka ugu badan bixinta qarashka ku baxa raashinka ay WFP gaarsiiso dadyowga ku dhibaateysan daafaha dunida iyo wadanka Britain ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in ciidamo dheeri ah oo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya.
Abdirizak M Diriye
Kasmo-Online




