Muqdisho:- 20 Gabdhood oo loo tababaray macallinimada Kubadda Cagta ee Haweenka
Waa markii ugu horreysay in muddo ah tababar noocan oo kale ah oo lagu qabto Muqdisho.
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Tababar muddo toddobaad ah socday oo ay qaadanayeen Haween loogu tala-galay inay noqdaan Tababarayaal Kubadda Cagta ah.
Waxaa Tababarkan ka soo qayb-galay 22 Haween ah, kuwaas oo qaadanayay duruus la xiriirta Shuruucda iyo macallinimada xagga Kubadda Cagta.
Tababarka noocan ah oo ay qaadanayeen gabdho Soomaaliyeed, ayaan isagu noociisa in muddo ahba lagu fulin dalka.Waxaana duruusta bixinayay Macallimiin Soomaaliyeed oo ay Faroole iyo Baasaale ka mid ahaayeen.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cabta: Saciid Mugaabe, oo khudbad ka jeediyay gabagabadii Tababarka ayaa u sheegay Warfaafinta in ay ahmiyad gaar ah siinayaan Tababarrada noocaan ah. Wuxuu tibaaxay Guddoomiyuhu: inay culays gaar ah saari doonaan Kubadda Cagta ee haweenka.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray :Inuu xiriirkoodu go'aansaday in hanti badan la geliyo xagga horumarinta Kubadda cagta ee Haweenka.
Su'aal jawaabteeda wadata ayaa ah: Sidee ayay Haweenkani duruusta macallinimo ee xagga Kubadda Cagta Haweenka uga fulin karayaan Degmooyinka Muqdisho, kuwaas oo ay badankood ku xoog leeyihiin Xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo hor-jeeda Dawladda..?!!.
Kaalmoy, Kasmo Online..




