Laamaha Qaramada Midoobay ee 20 dal oo khatar ku sugan
Isku-duwaha xagga Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in laamaha Q.M.ee 20 dal ay ku sugan yihiin xaalad khatar ah..
Isku-duwaha xagga Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbxin uu soo saaray ku sheegay in Laamaha Qaramada Midoobay ee 20 dal oo dunida ka mid ahi ay ku sugan yihiin khatar xagga Ammaanka ah.
Isku-duwahan oo lagu magacaabo G.Star ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay laamaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Af-ganistaan.
Ninkan oo khabiir ku ah xagga Ammaanka, horena uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arr.Dibadda ee dalka Maraykanka, ayaa meelaha kale ee uu farta ku goday waxaa ka mid ah: Gobolka Daarfoor ee dalka Suudaan, Lubnaan, falastiin iyo kuwa kale.
Khabiirkan ayaa waxaa kaloo uu sheegay in ay Hay'adda Dawliga ah ee Qaramada Midoobay ay hoos yimaadaan 145 kun oo shaqaale iyo la-taliyayaal ah, kuwaas oo ku kala firirsan dalalka dunida.
Mr.G.Star ayaa waxaa uu tibaaxayaa in khataraha ugu badani ay Laamaha UN-ku uga yimaadaan Xag-jirayaal Islaamiyiin ah.
Kaalmoy, Kasmo Online..




