Kulankii Mareykanka iyo Soomaaliya ee ka dhacay Nairobi maxaa ka soo baxay?
Madaxweyne Sharif iyo Hillary Clinton ayaa ku kulamay Nairobi, gaar ahaan safaarada mareykanka ee ku taal halkaas shallay.
Masuuliyiinta ayaa kullan albaabadu u xiran yahay ku yeeshay safaarada Mareykanka ee Nairobi, waxayna kulankaasi ka dib la hadleen warbaahinta iyadoo Hillary Clinton sheegtay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siinayo dowlada Sheikh Sharif.
Hillary Clinton waxay sheegtay in wadankeedu uu ku taageeray Soomaaliya adduun dhan 150 Milyan labadii sanadiadood ee tagay, waxayna sheegtay in taageeradaasi la sii xoojin doono.
Dhanka kooxaha kasoo horjeeda dowlada Sheikh Shariif, Hillary waxay sheegtay in dowlada Eritera ay joojiso kooxaha dowlada kasoo horjeeda ee xag jirka ah taageerada ay siineyso, haddii kale ay cawaaqibka ka yimaada wajihi doonto.
Mrs Clinton ayaa sheegtay in aanay ogolaan karin kooxaha argagixisada ah ee ka jira Soomaaliya waxaana ay halis ku yihiin bay tiri ammaanka wadamada dersika ah iyo kan Mareykanka ama danaha Mareykanka.
Sheikh Sharif ayaa isna ka hadlay taageerada dowlada Eritera ay siiso kooxaha kasoo horjeeda dowladiisa, waxaana uu sheegay in la doonayo in Eritera ay wax ka badasho dhaqanka noocaan ah, isagoo eedeyntiisa sii wata ayuu yiri wax badan ayaa Soomaalidu lasoo qabatay Eriterea, waxaana aan eedeynayaa dowlada Eriterea ee ma edeynayo shacabka reer Eriterea oo ay shacabka Soomaaliyeed kala dhaxayso walaaltinimo.
Arrimaha kale ee wararku sheegayaan in laga wada hadlay waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira argagixisada iyo sidii laga yeeli lahaa, dib u dhiska ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii dowlada Sheikh Sharif u hanan lahayd dhamaan maamulka dalka Soomaaliya.
Hillary Clinton waxaa ay soo booqatay halkii ay ahaan jirtay safaardii hore ee Mareykanka ee ku taalaya Nairobi, taasoo la burburiyey 1998, waqtigaasi oo la sheegay in ay burburiyeen argagixiso la aaminsan yahay in laga soo abaabulay dhanka Soomaaliya. Qaraxaasi waxaa sheegtay koxda Alqaacida.
Abdirizak M Diriye
Kasmo Online




