Home | Warar | Kenya oo caddeysay in aysan ciidan u direynin Soomaaliya

Kenya oo caddeysay in aysan ciidan u direynin Soomaaliya

image George Saitoti, Wasiirka Aminga Kenya

Kenya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya kala dhaxeyso derisnimo, ayna dhowreyso madaxbanaanida dalka Soomaaliya, xalka dhibaatada ka jirtana ay u taalo hoggaanka wadankaas

Shir ayey isugu yimaadeen guddiga amniga qaranka Kenya, shirkaas oo uu degdeg isugu yeeray madaxweyne Kibaki ayaa looga hadlay xaaladaha ka jiro Soomaaliya iyo hanjabaadaha kasoo yeeraya kooxaha xag jirka ah ee la dagaalamaya Dowlada tabarta yar ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaas oo dhacay maalintii tallaadada ahayd ayaa guddiga amniga qaranka Kenya ku sheegeen in aysan wax ciidan ah u direynin Soomaaliya, balse ay xoojinayaa ammaanka xadka labada dal iyo guddaha wadanka, waxayna intaas ku dareen in ay dhowrayaan madax banaanida dalka Soomaaliya.

Waxaa shirkaas ka soo qeyb galay Madaxweynaha Kenya, Wasiirka Aminga wadanka, Ra'iisul wasaaraha, taliyaha ciidanka booliska iyo kan militariga.

Shirkaas ka dib waxay madaxda Kenya ka saareen meesha in wax ciidan ah loo diro Soomaaliya, taasoo jawaab cad u ah qeylo dhaantii kasoo yeertay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaalida iyo Golaha wasiirada Xamar, waxayna sheegeen in ay dhowrayaan madaxbanaanida wadanka Soomaaliya. Waxay sheegeen in waxa ka jiro wadanka Soomaaliya ay u taalo in ay wax ka qabtaan hogaanka wadankaas.

Xubnaha Alshabab ee ka taliya Kismaayo ayaa dhowr jeer ku cel-celiyey in ay weerari doonaan wadanka kenya haddii aysan ciidanka ay Kenya soo dhoobtay xadka labada dal aysan ka qaadin, waxayna sheegeen in ay saraha dheer dheer e ka dhisan Nairobi la beegsan doonaan ismiidaamin. Sidoo kalena horey ayaa wasiirka arrimaha dibeda kenya u sheegay in ay Kenya faragalin ku sameyn doonto Soomaaliya oo aysan dhowran doonin waxa ka dhacay wadanka Soomaaliya.

Kenya waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay ku dhowaad 200,000 waxayan ku haystaan ganacsiyo waaweyn, waxayna qeyb ka yihiin dadyowga ajnabiga ah ee daqli dhaqaale soo galiya Kenya. Waxaa iyadana xusid mudan in ay Kenya joogaan hayadaha samafalka iyo kuwa Qaramada Midoobey ee ku shaqada leh Soomaaliya, sidaa darteedna uma muuqan karto in ay habboon tahay in ay Kenya lugaha la gasho qaska ka taagan Soomaaliya, waxayna hoggaanka Kenya qaateen tallaabo caqliyeysan.

Abdirizak M Diriye

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text