Home | Warar | Dagaal xooggan oo ka soconaya magaalada Muqdisha

Dagaal xooggan oo ka soconaya magaalada Muqdisha

image Kooxaha dagaallamaya

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisha, ayaa sheegaya in uu halkaasi dagaal xooggan uu mar kale ka dillaacay saakay aroornimadii, kaas oo dhex-maraya Ciidanka DFKMG ee Soomaaliya, oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo kooxaha iyaga ka soo hor-jeeda.

Dagaalkan oo la isu adeegsanayo noocyada Hubka, ayaa xoogiisa ka dhacaya Waddada Maka Al-Mukarrama,tan 30-ka, degmooyinka Hodan, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo meelo kale.

Madaafiic lagu qiyaasay ilaa toban ayaa ku soo dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaas oo la sheegayo in laga soo ganay dhanka Madaxtooyada,loogana jawaabayay Hoobiyayaal lala beegsaday halkaas.

Dagaalkan oo qarxay aroortii hore, goor ay dadka badankood ku sugnaayeen aqalladooda, ayaan tafaasiil badan laga heyn waxyeellada dhabta ah oo uu geystay, waxaase la xaqiijiyay dhimashada saddex ruux iyo dhaawac siddeed kale oo rayid ah, oo ay haleeshay rasaas habow ah.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Dawladda FKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xorayntu kala saxeexdeen dhowaan heshiis, ay qodobbadiisu ka mid ahaayeen: In la joojiyo dagaalka.

Kaalmoy, Kasmo Online...

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text