Home | Warar | Sh.Daahir Aweys oo dib ugu laabtay dalka...

Sh.Daahir Aweys oo dib ugu laabtay dalka...

image Shariif & Aweys

Wuxuu ka soo degay Gegida No.50, waxaana soo dhoweeyay Taageerayaashiisa. Lama oga tallaabada tan xigi doonta weli..

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Soomaaliyeed Sheekh-Daahir Xasan Aweys ayaa maanta dib ugu laabtay dalka, ka-dib markii uu dibadda ku maqnaa muddo laba sannadood ah.

Sannadkii 2007-dii ayuu Sh.Daahir Aweys u duulay dalka Eretariya, magaalada Asmara, ka-dib markii ay Ciidanka Itoobiya soo galeen dalka Soomaaliyeed, jebiyeenna Ciidamadii Maxaakiimta oo uu Sh.Daahir wax ka hoggaaminayay.

Ururkii Isbahaysiga ee ay Sheekh-Shariif iyo Sh.Daahir iyo mucaaradkii kale ku asaaseen Eretaria, ayaa u kala jabay laba garab. Garabka Jabbuuti oo uu Sh.Shariif hoggaaminayay iyo Garabka Sh.Daahir oo ku haray Asmara.

Garabkii Saldhigga ka dhigtay Jabbuuti ayaa heshiis la galay Dawladdii FKMG ah ee uu Madaxweynaha ka ahaa: Cabdullaahi Yuusuf, R/Wasaarana ka ahaa: Nuur Cadde, natiijadii kama dambaysta ahayd ee ka soo baxdayna waxay ahayd dhismaha dawladda Midnimo qaran iyo Barlamaan 550 Xildhibaan ka kooban. Kaas oo uu Shariif Sh.Axmed ku guulaystay Jagada Madaxweynanimo.

Imaatinka Sh.Daahir Aweys ee Muqdisho ayaan ilaa hadda la ogayn inay la xiriirto heshiis uu Mucaaradku la geliyo Dawladda Shariifka iyo in ay salka ku hayso sii laba-lixaadinta Mucaaradka ka soo hor-jeeda Dawladda Midnimo qaran.

Sh.Daahir Aweys, waxaa Gegida No.50 ku soo dhoweeyay taageerayaashiisa ka tirsan Ururka  Xisbul-Islaam, ka-gadaalna waxa loo soo gelbiyay dhanka Magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Madaxda Sare ee Dawladda Midnimo Qaran oo uu ugu horreyo Madaxweyne Shariif dibadda uga maqan yihiin dalka, hawlo kala geddisan awgood.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text