R/Wasaare Cumar C/Rashiid oo Socdaallo ku kala bixinaya dalal Afrikaan ah
Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu u socdaalay, waana safarkiisii 1-aad tan iyo inii uu noqday R/Wasaare..
R/Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka duulay gegida Dayuuradaha ee Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda dalal Afrikaan ah.
Wafdiga R/Wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen: R/W ku-xigeenka wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan, Wasiirka Dastuurka: Madoobe Nuunow Maxamed iyo Madax kale, ayaa waxay tagi doonaan dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Faahfaahin badan lagama hayo ujeeddada Socdaalka R/wasaaraha ee dalalkan iyo Masuuliyiinta uu halkaas kula kulmayo toonna.Waxaase la og-yahay oo keliya in ay booqashadu ayan ka marnayn arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka DFKMG ah iyo dawladahaas.
Waa Socdaalkii ugu horreeyay ee uu R/W Cumar Cali dalka uga baxo dibadda tan iyo intii uu R/wasaare noqday, saldhiggana uu ka dhigtay Muqdisho.
Kaalmoy, Kasmo Online..




