Maxay ku heshiiyeen Waddamada laysku yiraahdo G20 ?
Waxay ku heshiiyeen: in ay lacago dheeraad ah ku bixiyaan dhaqaalaha adduunka ee dhibaataysan...
Ra'iisal Wasaaraha Dawladda Ingiriiska 'Gordon Browon'ee martida loo ahaa, ayaa isagu ku dhawaaqay Qodobbadii ay ku heshiiyeen Hoggaamiyayaasha waddamada laysku yiraahdo G20.
Qodobadan oo loo arkay in ay wax ka tarayaan dhaqaale xumida haatan ka taagan dunida, ayaa waxaa ka mid ah:-
- In la soo celiyo Kalsoonidii Koboca dhaqaalaha iyo shaqooyinkii.
- In la horumariyo Ganacsiga Adduunka.
-In la xoojiyo Shuruucda Bankiyada iyo Shirkadaha maal-gashiga.
- In la joojiyo Canshuuraha lala dhuunto -iwm.
Shir-madaxeedka Waddamada laysku yirahdo G20 ayaa isagu lagu qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana la soo dhoweeyay Waddamada soo koraya, oo iyaga loo ballan-qaaday wax badan.
Lacagta loogu tala-galay arrintan ayaa dhan 1.1 Tirilyan oo Doollar. Adduunkan oo kor loogu soo qaadayo dhaqaalaha adduunka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon ayaa soo dhoweeyay Go'aannada Waddamada G20, wuxuuna sheegay: in ay muhim tahay in ay tallaabadan ka faa'iidaystaan Wadammada ugu saboolsan Aduunka.
Madaxweynaha Maraykanka B.Obama ayaa isaguna sheegay: inuu Kongareska dalkiisa kala shaqayn doono, sidii 448 Milyan oo Doollar oo degdeg ah ay ugu kaalmayn lahaayeen dalalka aad ugu waxyeellooban dhaqaale-xumida adduunka.Isla markaasna ay hal Bilyan(Milyaar) Doollar ay Cunno ahaan ugu taakulayn doonaan Waddamada saboolka ah.
Kaalmoy, Kasmo Online..




