Wafdi ka socday Koonfurta Kuuriya oo Qarax is-biimayn ah lagula beegsaday Mag.Sanca
Laba Gaari oo Diplomasi ah ayay la socdeen, waana ay ka badbaadeen Xubnihii Wafdiga, waxaase dhintay ruuxii isa soo biimeeyay
War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegaya: in Nin isa soo biimeeyay uu Saakay Qarax la beegsaday laba Gaari oo ay la socdeen Diplomaasiyiin u dhashay Koonfurta Kuuriya.
Ragga la socday Gaadiidkan ayaa ahaa Wafdi xagga Amniga ah oo u dhashay Koonfurta Kuuriya, wuxuuna Qaraxu haleelay xilli ay ku sii Socdeen Gegida Dayuuradaha ee Sanca, oo ay ka dhoofayeen.
Warka ayaa intaas ku daraya: in ay wax dhibaato ah ayan soo raagin Diplomaasiyiintii la socotay labada gaari. Waxaase cad-cad u googo'ay qofkii isa soo biimeeyay.
Ciidanka Amniga ee dalka Yemen ayaa ku guda-jira Baaritaan xoog leh oo la doonayo in lagu ogaado dhalashada qofka isa soo biimeeyay, ujeeddadiisa iyo jihooyinka uu xiriirka la leeyahay.
Sida la og-yahay Dalxiisayaal u dhashay Koonfurta Kuuriya ayaa iyagana toddobaadkan ay Miino kula qaraxday, meel loo dalxiis tago oo ku taalla Gobolka Xadramowd. Haalkaas oo ay ku geeriyoodeen 4 ka mid ahaa Dalxiisayaashaas.
Waxaa jira tuhun xoog leh oo ku saabsan in ay falalkaasu ka dambeeyaan rag xiriir la leh Dhaqdhaqaaqa mayalka adag ee "Al-Qaacidah".
Kaalmoy, Kasmo Online..




