Home | Warar | Barlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Muqdisho

Barlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Muqdisho

image Sh.A.Madoobe

Waxaa soo xaadiray 307 Xildhibaan. Waxaa guddoominayay Sh.Aadan Madoobe, wuxuuna ahaa shir ay isku wareysanayeen Xildhibaannada.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho Caasimadda dalka, tan iyo markii bishii hore lagu soo kordhiyay xubnihii dhanka Isbahaysiga, kaas oo tirada guud ka dhigayay 550 Xildhibaan.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen 307 Mudane, ayaa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Sh.Aadan Maxamed .Nuur(Sh.Aadan Madoobe).

Sheekh-Aadan Madoobe oo Warfaafinta uga warramayay muhimadda shirkan Muqdisho, ayaa waxaa uu tibaaxay inuu yahay shir ay isku-wareysanayaan Xildhibaannadu.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa hore u sheegay in si ku meel-gaar ah uu Barlamaanku ku qabsanayo fadhiyadiisa Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Muqdisho, maadaama Xaruntii KMG ahayd ee Baydhabo ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.

Ajandayaasha muhimka ah ee ku soo fool leh Barlamaanka ayaa waxaa ka mid ah: Ansaxin looga doonayo Go'aankii Golaha Wasiirrada ee ahaa: In dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka iyo doorashada shir-guddoonka Golaha.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text