Home | Warar | Markab laga badbaadiyay Burcad-Badeed Soomaali ah iyo faahfaahin ku saabsan Cududdooda..

Markab laga badbaadiyay Burcad-Badeed Soomaali ah iyo faahfaahin ku saabsan Cududdooda..

image B/Badeed

Markab ay leedahay Kuuriya ayay Yemeni ka badbaadisay Burcad-Badeedda. B/Badeedda ayaa adeegsada Doonyo dheereeya iyo qalab casri ah, tiradooduna waa ilaa 1100 Nin.

Ciidanka Ilaalinta Xeebaha ee dalka Yemen ayaa fashiliyay Burcad-Badeed Soomaaliyeed oo isku deyayay in ay qafaashaan Markab weyn oo kuwa Xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Kuuriya.

Warka ayaa intaas ku daraya in Markabkan oo lagu magacaabo 'B.Elyans' uu ku sugnaa gudaha  Badda 47-Meyl oo Gacanka-Cadmeed, xilli uu u soo qayla-dhaansaday Ciidanka Badda ee Yemen.

Sarkaal u hadlayay Ciidankaas, ayaa u sheegay Warfaafinta:In ay Doon kuwa dheereeya ah ay u direen dhanka Markabka soo qayla-dhaansaday, laakinse ay rasaas ay soo fureen Burcadda ay waxyeelleysay Markabka weyn.

Warkan laga helayo Ciidanka Badda ee Yemeneed ayaa tibaaxaya: in ay Rasaas la beegsadeen Burcad-Badeedda, ayna Xabbad la heleen mid ka mid ahaa raggii Burcad-Badeedda ahaa, kuwaas oo cagaha wax ka deyay, una sii cararay dhanka Badweynta.

Wararka soo baxaya ayaa  iyaguna sheegaya: In ay Burcad-Badeedda Soomaaliyeed adeegsadaan Doonyo aad u dheereeya iyo Qalab-Casri ah, sida Telefoonnada ku shaqeeya habka 'DBS'.

Waxaa kaloo ay wararku tilmaamayaan: in Hubka ay adeegsadaan Burcad-Badeeddu ay ka mid yihiin :Bambooyin, Qoryo Caadi ah iyo Gantaallo, ayna u shaqeeyaan qaab koox-koox ah oo is-kaalinaya.

Warkan ayaa intaas ku daraya: In tiraba Burcad-Badeedda ku sugan Xeebaha Soomaaliyeed, ama Badda ku xeeran ay haatan gaarayaan 1100-Nin oo u tafa-xeydan Burcadnimada xagga Badda.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text