Khubarada Iiraan oo dhisaya afar Dayax-Gacmeed oo hor leh
Afar Dayax-Gacmeed oo hor leh ayay dhisayaan Iiraaniyiintu iyadoo Toddobaadkii hore D/Gacmeedkii 'Rajo' hawada sare u dirtay.
Wasiirka Is-gaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee dalka Iiraan ayaa waxaa uu sheegayaa inuu dalkiisu dhisayo afar Dayax-gacmeed oo hor leh, ka-dib markii uu toddobaadkii hore hawada u diray Dayax-gacmeedkii 'Rajo', kaas oo ku wareegaya dhulka.
Wakaaladda Wararka dalka Iiraan ayaa Wasiirkan oo lagu magacaabo Maxamed Sulaymaani ka soo xigatay inuu yiri:-"Khubaro Iiraan u dhashay ayaa haatan gacanta ku haya oo farsamaynaya afar Dayac-Gacmeed oo hor leh".
Sulaymaani ayaa intaas ku daray oo yiri:-"Wixii Tafaasiil ah oo Dayax-gacmeedyadan ku saabsan, waxaannu shaaca ka qaadi doonnaa markii dhismahooda laga fara-xasho". Wuxuu kaloo tibaaxay Wasiirku:-"Iiraan waxay ku dadaalaysaa kor u qaadidda joogga iyo Culayska Dayax-gacmeedyadeeda".
Sida la og-yahay Talaadadii hore ayay Dawladda Iiraan Hawada sare u dirtay Dayax-gacmeed ay iyadu farsamaysay, kaas oo weli ku guda jira ku-wareegiddii dhulka ee loogu tala galay.
Maraykan, Yurub iyo Israa'iil ayaa Walaac xoog leh ka muujiyay Dayax-gacmeedyada iyo Hubka Nuklearka ee Iiraan, iyagoo sheegaya in ay tahay halis soo fool leh oo aan la dhayalsan karayn.
Culimada Iiraan ayaa haatan ku hawlan sii horumarinta Teknolojiyadda Xagga Hawada sare, Dayax-gacmeedyada iyo Nuklearka, waxayse Iiraaniyiintu sheegayaan in ay xagga Nabadda u adeegsanayso Teknolojiyadoodan.
Kaalmoy, Kasmo Online..




