Maxamed-Dheere oo Xabsigii laga sii daayey
Maxamed Dheere ayaa sheegay inuu Caafimaad qabo kuna faraxsan yahay inuu Xorriyaddiisii dib u helay,.
Warka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir: Maxamed Cumar Xabeeb(M.Dheere) laga sii daayay Xabsigii uu beryahanba ku jiray.
Xabsiga uu ku jiray Maxamed Dheere ee magaalada Baydhabo ayaa ahaa mid ay maamulayeen, Gacantana ku hayeen Ciidanka Itoobiya ee fariisinka Baydhabo. Waxaana markii hore laga soo qabtay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sii-deynta Maxamed Dheere ay ku timid dadaal aan yarayn oo ay u galeen Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Siyaasiyiin kale oo is-xil-qaamay.
Maxamed Dheere ayaa markii laga sii daayay Xabsiga, sheegay in ay Xaaladdiisa Caafimaad wanaagsan tahay, uuna aad ugu faraxsan yahay in Xabsiga laga sii daayay.
Xariga Maxamed dheere ayaa markii hore lagu sababeeyay in uu ka dhega-adaygay amar ka soo baxay Xukuumadda oo sheegayay in uu wareejiyo Hubka gacantiisa ku jira iyo Guriga Dawladda, ka qaadistiisii Xilka Duqa magaalada ka-dib.
Xil ka qaadista Maxamed Dheere ayaa waxay ka mid ahayd sababihii keenay khilaafkii xoogga lahaa ee soo kala dhex-galay R/Wasaare Nuur-Cadde iyo Madaxweynihii hore ee DFKMG: Cabdullaahi Yuusuf.
Kaalmoy, Kasmo Online..




