Home | Warar | Xoogagga Jabhatul-Islaamiya oo Maxkamad soo taagaya Xildhibaan ay qabteen

Xoogagga Jabhatul-Islaamiya oo Maxkamad soo taagaya Xildhibaan ay qabteen

image Jabhatul-Islamiya

Jabhatul-Islaamiya ayaa gacanta ku heysa Xildhibaan Axmed Cabdi, Waxayna sheegayaan in ay Maxkamad soo taagi doonaan.

Xoogagga lagu magacaabu Jabhatul-Islaamiya oo dagaal kala soo hor-jeeda DFKMG ah iyo Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ay Maxkamad soo taagayaan Xildhibaan ay dhowaan gacanta ku dhigeen.

Af-hayeen u hadlayay Xoogaggaas oo lagu magacaabo Xaaji-Cabdi Maxamed, ayaa sheegaya: in ay Baaritaanno ku wadaan Xildhibaankan, ka-dibna ay Maxkamad hor keeni doonaan.

Xildhibaanka ay Xoogaggani gacanta ku hayaan, ayaa lagu magacaabaa:-Axmed Cabdi Xuseen, waxaana laga qabtay isaga oo maraya waddada u dhaxaysa Baydhabo iyo Muqdisho.

Xoogaggan ayaa markii ay qabanayeen Xildhibaanka ku sugnaa iyagu xawaaxiga Degmada Buur-Hakaba.Waxaa uu Xildhibaanku ahaa mid cusub oo lagu baddalay Xildhibaan dhowaan geeriyooday.

Xildhibaannada ku jira Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa xaaladdooda xagga ammaanka ah ay marar badan gashaa halis. Kuwaa la dilay, kuwaa ka badbaaday Qarxin, kuwaa ku dhaca gacanta Kooxaha ka soo horjeeda Dawladda, kuwana siyaabo kale ayay u galaan halis.

Arrintan ayaa waxaa ay ka turjumaysaa Ammaan-darrida guud ee Geyiga Soomaaliyeed.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text