Home | Warar | Shirweynihii Manaama oo diiradda saaray Burcad-Badeedda

Shirweynihii Manaama oo diiradda saaray Burcad-Badeedda

image B/Badeed

Waxaa la tilmaamay in uu dhibaato culus ku hayo dhaqaalaha. Waxaa la soo jeediyay in dhab ahaan loola dagaallamo, lana taakuleeyo Dawladaha Gobolka

Shirweynihii ka socday magaalada Manaama ee dalka Baxreyn, ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dhibaatooyinka ay Burcad-Badeedda Xeebaha Soomaaliyeed ku heyso Marin-biyoodka Caalamiga ah iyo Ammaanka Gobolka intaba.

Warka ayaa intaas ku daraya: in shirweynaha lagu lafa-guray saamaynta  xagga dhaqaalaha ee  falalka Burcad-Badeedda ka dhalanaya iyo in Dawladaha Mandiqada ku yaalla laga caawiyo la-dagaallanka Burcaddaas.

Taliyaha Ciidanka Dhexe ee dalka Maraykanka Gen.Devid, ayaa isaguna ka sheegay shirkaas: in ay dawladdiisu hawlgallo ka fulin doonto Gacanka Cadmeed, iyada oo iskaashi la samaynaysa Shirkadaha Bad-mareennada ee la dagaallamaya Burcad-Badeedda.

Jananka reer USA ayaa intaas ku daraya:-In ay dawladdiisu lagama maarmaan u arkayso taakulaynta Xarumaha Tababrka iyo is-weydaarsiyada -khibradeed ee Ciidammada wada-fulinaya hawlgallada ka dhanka ah Burcad-Badeedda.

Cali Muthanna, oo isagu Dawladda Yemen uga qayb-galay shirweynahaas ayaa tibaaxay: in ay Xukuumaddiisu hawl-fududeyn u samayn doondo Cududda Dawliga ah ee ka hawl-galaysa mandiqada, si loo wiiqo falalka Burcad-badeedda.

Docda kale, qaar ka mid ah ka-qayb-galayaasha Shirweynahan ayaa u arkaya: in haddii aan si dhab ah looga hor-tagin Burcad-badeedda Soomaaliyeed, ay taasu keeni karto in ay dhashaan Burcad-Badeedyo kale oo ka tirsan Kooxaha ka dagaallamaya Ciraaq, Bakistaan, Afganistaan iyo meelo kale.

Shirweynahan Manaama lagu soo gabagabeeyay, ayaa waxaa ka soo qayb-galay dawlo ku xeeran Badda-Cas, Badweynta Indiya iyo Gacanka Cadmeed. Wuxuuna shirweynuhu dhacayaa xilli aan weli maaro loo helin Burcad-Badeedda ka ag-dhow Xeebaha Soomaaliyeed.

Shirar kale oo kan la mid ah, loogana hadlayay Burcad-Badeedda Xeebaha Soomaaliyeed  ayaa hore  loogu kala qabtay Nairobi, Qaahira iyo meelo kale..

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text