Maraakiibta Dagaalka ee M.Yurub oo Hawl-gallo ka bilaabaya Xeebaha Soomaaliya
Ballac-Badeed oo gaaraya hal milyan km.2 ayaa hawlgalka laga fulinayaa, waxaana hoggaanka u haya Dawladda Ingirriska.
Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub ayaa maalinta Isniinta ee Ciidda ah Hawlgallo u dhacaya qaab roondooyin ah, ka bilaabaya Xeebaha Soomaaliyeed.
Hawl-galladan oo ku soo beegmaya xilli ay falalka Burcad-Badeedda iyo halistoodu sii kordhayso, ayaa waxaa ka qayb-galaya Maraakiib ay kala leeyihiin dawladaha:-Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Beljiam, Gariigga, Holand, Spain iyo Swisarland.
Maraakiibtaan oo ay kaalinayaan Dayuurado ayay ujeeddadoodu tahay ilaalinta Maraakiibta Badda maraysa iyo la-dagaallanka Burcad-Badeedda soo hunguriyaynaysa.
Hawlgalladan oo laga fulinayo ballac-badeed oo dhan hal milyan Km.2, ayaa waxaa Dawladaha ku lugta leh hoggaanka u haya Ingiriiska.
Af-hayeen u hadlayay Midowga Yurub oo lagu magacaabo 'Solana' ayaa sheegaya: in Hawlgalka Maraakiibtan uu isugu jirayo qaab; Ilaalin, Bad-baadin iyo Weerar rogaal-celis ah.
Mr.Solano ayaa intaas ku daraya:-In uu hawlgalku ku soconayo Qawaacid. Kuwaas oo ay Wasiirrada Arr.Dibadda ee Midowgu ku saxeexi doonaan Xarunta Midowga maalmahan..
Sida la og-yahay Burcad-Badeedda ka ag-dhow Xeebaha Soomaaliyeed ayaa tan iyo bilowgii sannadkan Weeraray Maraakiib ay dawlado kala geddisan leeyihiin, oo ay tiradoodu caga-cagaynayso 100 Markab, kuwaas oo weli qaarkood u af-duuban Burcadda, laguna doonayo Madax-furasho gaareysa Malaayiin Doolaar.
Kaalmoy, Kasmo Online..




