Maraykanka oo ka shaqeynaya in Ciidan Caalami ah oo nabadda ilaaliya loo diro Soomaaliya
Masuuliyiin u hadlay USA ayaa sheegaya lagama maarmaanimada in Ciidan nabadda ilaaliya oo caalami ah loo diro Soomaaliya.
Masuul u hadlay Dawladda USA ayaa sheegaya in ay dawladdiisu ka shaqeyneyso sidii Ciidan nabadda ilaaliya oo Dawli ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya. Laakin masuulku ma uusan xaddidin waqtiga la fulinayo tallaabadaas.
Arrintan ayaa soo baxday ka-gadaal markii ay Dawladda Itoobiya ku dhawaaqday in Ciidamadeeda jooga dalka Soomaaliya ay la soo baxeyso, dabayaaqada sannadkan.
Masuulkan oo u hadlayay Wasaaradda Arr.Dibadda ee Maraykanka, laguna magacaabo 'Gordon D.' ayaa intaas ku daraya:-" Annagu waxaannu wada-shaqeyn la samaynaynaa Xukuumadda Itoobiya iyo kuwa kale oo gobolka ku yaalla, sidii degganaansho looga hirgelin lahaa Soomaaliya".
Mr.Batric F. oo jooga Newyork kuna hadlayay magaca Ergada USA ee Xarunta Qaramada Midoobay, ayaa waxaa uu leeyahay:-"Maraykanku waxaa uu eegayaa sidii Ciidan Nabadda ilaaliya oo Beesha Caalamka ka socda loogu diri lahaa Soomaaliya, taas oo u muuqanaysa mid lagama marmaan ah".
Arrintani waxaa ayaa timid ka-gadaal markii ay Ciidanka Itoobiya ku-dhawaaqeen ka bixitaankooda Soomaaliya, taas oo laga baqayo inuu yimaado waqti kala guur ah oo bannaan, oo ay ka dilaaci karaan dhibaatooyin xagga Aammaan-dirida iyo dagaallo hor leh ah.
Xaaladda dalka Soomaaliya ee Ammaan-darrida bad iyo berriba leh iyo dagaallada hadba wejiga qaadanaya ayaa ahayd mid soo xiriirtay tan iyo burburkii Dawladdii dhexe ee Madaxweyne Siyaad Barre.
Kaalmoy, Kasmo Online..




