Waa maxay sababta ay u soo dhacday Dayuuraddii uu la socday Wasiirka Arr.Gudaha ee Meksiko ?!!.
Dayuurad ay lahayd Meksiko ayaa sabab xagga hoggaamin-xumo ah darteed u soo dhacday, waxaana ku dhintay Masuuliytiin uu ka mid ahaa Wasiirka A.Gudaha ee dalkaas.
War ay soo saartay Xukuumadda dalka Meksiko ayaa sheegaya: in sababta ay u soo dhacday Dayuuraddii uu la socdayWasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaas, ay ahayd cillad xagga farsamada ah.
Shir-Jaraa'id oo uu shalay qabtay Wasiirka Gaadiidka iyo Is-gaarsiinta ee dalkaas, ayuu ku sheegay: in baaritaannadii la sameeyay ay soo bandhigeen: in sababta soo dhicitaanka Dayuuradda ay ahayd: Kabtankii daadihinayay Dayuuradda oo ay khibraddu ku yarayd.
Wasiirka ayaa intaas ku daraya: In Kabtanka Dayuuraddu uu karti u yeelan kari waayay xakamaynta qaabka hoggaaminta Dayuuradda iyo jiheynteedaba.
Waxaa kale oo uu meesha ka saaray wasiirku, in ay sababtu ahayd: fal argagaxisanimo ama qarxin loo geystay dayuuradda.
Sida la og-yahay: Dayuurad uu la socday Wasiirka Arr.Gudaha ee dalkaas Meksiko iyo Masuuliyiin kale, ayaa 5-tii bishan Novembar ku soo dhacday dhulka oo burburtay, xilli ay dul-mareysay Caasimadda dalkaas.
Waxaa shilkaas ku geeriyooday dhammaan dadkii la socday Dayuuradda oo ay wasiirka iyo Masuuliyiinta kaleba ku jireen.
Tan iyo markaas, waxaa la isla-dhex-marayay jiritaanka fal argagaxisanimo oo ay suuragal tahay in lagu khaarajinayay Wasiirka; taas oo keentay baaritaannada la sameeyay oo natiijadeeda la shaaciyay jimcihii shalay.
Kaalmoy, Kasmo Online..




