Home | Warar | Yaa Dhab ahaan Soomaaliya Xukuma?

Yaa Dhab ahaan Soomaaliya Xukuma?

image Col GABRE Sarkaalka Ethiopian ee lagu kala dhintay!!!

'Go'aanka IGAD ayaan raacaynaa iyo IGAD wax nooma go'aamin karto' ayey waqtigan xubnaha dowladdu isku khilaafsan yihiin.

  

Muran adag oo siyaassadeed ayaa u dhexeeya hogaanka Sare oo dowlada Federalka KMG ah, kaasoo in muddo ahba la doonayey in la xaliyo, welise aan laguna guuleysan una muuqda mid sii ballaaranaya.

Murankan ayaa dhaliyey suaasha kor ku xusan ee ah yaa xukuma ama talada Soomaaliya ay ka go’daa? Waxaana jirra in hadda meesha uu taagan yahay Khilaafka Soomaalida madaxdeeda sare u dhaxeeya ay ka dhex muuqato in ay ka mid noqdeen goaano ka soo baxay dalal shisheeye, gaar ahaana wadamada IGAD oo ay xiligan shir gudoomiso Itoobiya.

 

IGAD waxay mar qura isugu keeneen Nairobi dhamaan hayadihii dowlada oo dhan, gaar ahaana Madaxweynihii, Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Wasiirkii koowaad, arrintaasi oo marka la eego dastuurka noqoneysaa mid sharci daro ah in sedexda hoggaan ay mar kaliya ka wada tagaan wadankii ay xukumeen sabab kasta ha u baxeene.

 

Waxaa kulankan ay IGAD isugu yeertay dhamaan qeybaha dowlada lagu eegay sedex qodob oo ay ka mid yihiin dhanka Siyaassada, Amaanka, waxayna soo saartay qoraal ay ku amreyso in la dhiso gole wasiiro cusub mudo 15 maalmood gudahood iyadoo arrinkaasi muddo badan ay isku khilaafsanayeen madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad, laguna xalin waayey kulamo badan oo mid ka mid ah ka dhacay Adis Ababa,  kaasoo markii danbe maxkamada sare ee Soomaaliya ay xukun kasoo saartay, sidoo kalena waxay IGAD amar ku bixisay in 15 maalmood lagu dhisay maamulka Gobolka Benaadir.

 

Si kasta ha ahaatee su’aasha iminka soo baxday ayaa ah qoraalka ay IGAD soo saartay ma soo jeedin baa mise waa goaan ama amar dowladeed?

 

Wasiirka koowaad Nuur Xasan Xuseen ayaa isaga oo warbaahinta la hadlaya sheegay in isagoo raacaya go’aanada IGAD ka soo baxay uu soo dhisi doono gole wasiiro cusub, gaar ahaan 10kii wasiir ee is casilay uu bedeli doono, laakiin ku xigeenka Wasiirka koowaad ahna Wasiirka Waxbarashada  qareen Caydiid Cabdulahi Ilakhanaf ayaa isagu arrintaasi ku tilmaamay in ay IGAD leedahay soo jeedin ee aysan IGAD amar siin Karin Sooaalioya. Soomaaliyana tahay dal madax banaan oo sharci iyo maxkamadaba leh, loona baahan yahay in wixii la isku qabto lala aado labadaas meelood ee ah Dastuurka oo la eego iyo Maxkamada sare.

 

Aideed isagoo magacaabista wasiirada cusub ka hadlaya ayuu sheegay in aysan sharci ahayn sida Nuur cade u hadlay ee ah in IGAD warkeedu yahay goaano, wuxuuna yiri inaga nalooma goaamiyo, ee talo iyo soo jeedin waa la isa siin karaa.

 

Si kasta ha ahaatee, waxaa la isku hayaa oo muranka dowladau hadda ku fadhiyaa, in la soo dhiso gole wasiiro cusub iyadoo la raacayo goaanada IGAD waxaana sidaas qaba Wasiirka Koowaad, dhanka kalena waxay qabaan in aanay IGAD goaan u gaari Karin Soomaaliya qoraalkii ka soo baxay IGADna uu ahaa talo bixin oo qura, ee uusan ahayn goaan ahayn, waxayna carabka ku adkeynayaan in la raaco goaanki maxkamada sare ee Soomaaliya kaasoo oraneyey in 10kii wasiir ee is casilay in ay shaqadooda sii wataan.

 Muranka Dowlada FKG ah iyo Itoobiya 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in muranka dowlada Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhex jirra uu ka bilowday nin korneyl ah oo Itoobiyaan ah Col Gabre, ninkaasi oo uu madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ka codsaday in laga bedelo Soomaaliya dibna loogu celiyo wadankiisa ka dib markii ay isaga iyo Maxamed Dheere gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir khilaaf xun dhex maray.

 

Balse dowlada Itoobiya ayaa ku adkeysatay in Col Gabre oo qibrad badan u leh Soomaalida aysan habooneyn in la bedelo, ayna jeceshahay inuu sii wato shaqadiisa, laakiin Col. Gabre wuxuu ka degi waayey oo la marsiin waayey madaxweynaha oo ku adkeystay in la bedelo, waxaana Gabre lagu eedeynayaa in uu si xad dhaaf ah u dhex galay arrimaha hoos- hoose ee Soomaalida, taasoo aad uga careysiisay madaxweynaha iyo duqa magaalada Muqdishu.

Wararka qaarna waxay sheegayaan in DFKG ahi ay xiriir dhow la sameysay Ugandha oo ay dooneysaba in ay haraanti la tuurto Itoobiya oo ay aaminsan yihiin hadda in ay wax faaiido ah u lahayn Soomaaliya.

 

Males Zanawi ayaa isna ku cawday in ay dowlada Soomaalidu abaal dhac ku hayso, gaar ahaana isagoo caruurtiisii u soo diray si ay uga difaacaan kuwo doonaya in ay shan daqiiqo ku fiiqdaan kuna kala diraan dowladan.

Ma naqaan waxaan sameyno ayuu yiri Meles isagoo aad uga xun in la yiraahdo bedel sarkaalkan, waanu caawinay, askartanadii ayaanu usoo dirnay, mana fahmi karo waxay dowladani dooneyso, wey fashilantay”

Su'aasha kale ee muhiimka ah waxay tahay Soomaaliya iyo Sarkaal Itobiyaan ah yaa muhiimsan? Mar haddii muranka ugu weyn ee DFKG ah iyo Ethiopia u dhaxeeyo ku saleysan yahay hal askari oo qura, taasi oo maanta marsiineysa in Ethiopia ay ku tilmaamtay in DFKG ah fashilantay, howlihii loo dhisayna ay kasoo bixi weyday sababta oo ah sarkaalka madaxweynuhu dalbay in la bedelo. Hase ahaatee, waxay u muuqataa in ay haboon lahayd in la helo wax garad soomaaliyeed oo dhex gala masuuliyiinta Soomaalida ah si gacanta Soomaalida wax ugu soo noqdaan.   

Abdirizak M Diriye.

Kasmo-online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text