NATO:-Wey adkaaneysaa in Maraakiibta laga difaaco Burcad-Badeedda Xeebaha Soomaaliya
NATO ayaa sheegaysa in ay adag tahay in Maraakiibta laga difaaco Burcad-badeedda ku sugan Xeebaha Soomaaliya,isagoo yiri:-"Qofna looguma yeeri karo Burcad-baceed ilaa uu weeraro Markab".
Admral Mark V. oo ka tirsan Ciidammada NATO, ayaa isagoo u hadlayay Warfaafinta sheegay :in ay adkaaneyso in Maraakibta goosheysa Badda, laga difaaco Qafaalashada uga imanaysa Burcad-Badeedda ku sugan Xeebaha Somalia.
Generalka ayaa wuxuu leeyahay:-" Sideedaba waa waqti yar inta ay soo ban-baxayso oo muuqaneyso Burcad-Badeedda oo weerarkana ku soo qaadeyso Maraakiibta".
Sida la og-yahay NATO ayaa hore u go'aansatay in ilaa 7-Markab oo waaweyn oo kuwa dagaalka ah u dirto Xeebaha Soomaaliya, si ay u garab-istaagaan kuwa Maraykanka ee halkaas ku sugan
Sidoo kale India iyo dalal kale oo Midowga Yurub ka tirsan ayaa hore ugu yaboohay in ay ka qayb-qaadanayaan ilaalinta Marin-biyoodka ku aaddan Xeebaha Soomaaliyed.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Faransiiska 'Irif Morin' ayaa isaguna sheegay: in ugu yaraan 8-Dawladood ay ka qayb-qaadanayaan ilaalinta Xeebaha Soomaaliya.
Tirakoobyada ayaa sheegaya: in sannadkii kasta ay Xeebaha Soomaliyeed maraan qiyaas 20-kun oo Maraakiib kala geddisan ah. Kuwaas oo u baahan in ay nabadgalyo ku gooshaan marinkaas.
Generaalkan u hadlayay NATO ayaa intaas ku daraya:In Doonyaha ay wataan Burcad-Badeeddu ay yihiin 'Summad-laawayaal', dhaqsana aan loo garan karayn, laakinse ay iyagu ciidan ahaan qaban doonaan wixii tabartood ah.
Wuxuu yiri Admiralka:-" Qofna looguma yeeri karo Burcad-Badeed ilaa uu weerar ku qaado Markab".
Xaaladda khatarta isa soo tareysa ah ee ka jirta Xeebaha Soomaaliyeed ayaa iyadu soo jirtay, soona tarmaysay tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Kaalmoy, Kasmo Online...




