Home | Warar | Dagaalo ka curtay xuduudka Kenya

Dagaalo ka curtay xuduudka Kenya

image ciidanka Booliska kenya

illaa 3 qof ayaa lagu dilay dagaalo gaadmo ah oo ay laba beelood ku dagaalameen gudaha xuduudka kenya

Beelaha Soomaaliyeed ee wada degan gobolka waqooyi Bari ee Kenya ayaa iska dilay ilaa 3 qof, mar ay xalay weerar gaadmo ah isku qaadeen.  Beelaha Gare iyo Murale ayaa dirir ay ku dhex martay deegaanka mandera oo ku yaal xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaana sida ay sheegeen wax garadka deegaanka xalay weerar qaaday beesha Gare waxaana ku dhintay weerarkaas ilaa sedex qof. Collaadan ayaa daba socota dagaalo hore oo dhex maray laba beelood sanadkan gudihiisa, waxaana horey u dhex galay beelaha kale, balse waxaa iminka soo baxay weeraro cusub kuwaasoo ka dhigaya in dadaaladii hore aysn shaqeynin. Dirirtan cusub ayaa abuurtay in uu aad u yaraado dhaqdhaqaaq ganacsi ee xadka, iyadoo ciidanka Kenya ay xiraan xaduudka marka ay xaalad collaadeed jirto waxaana uu saameyn doonaa dhamaan dadka degan xuduudka labadiisa dhinaca Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la galay xilli roob oo wadooyinka dhanka Soomaaliya ay xiran yihiin. 

Abdirizak M. Diriye

Nairobi, Kenya

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text