Home | Warar | Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed oo looga hadlayo shir Caalami ah

Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed oo looga hadlayo shir Caalami ah

image Qaxooti Som.

Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed, siiba kuwa Yemen oo looga hadlayo wareegga 59-aad ee Hay'adda Caalamiga ah ee UNHCR...

Maalinta Isniinta ah ee nagu soo aaddan ee 6-da Oktoobar, ayaa waxaa magaalada Gineva ka furmaya Wareeggii 59-aad ee Shirka Hay'adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, kaas oo lagu lafa-guri doono xaaladda Qaxootiga adduunka.

Ku-xigeenka Wasiirka Arr.Dibadda ee Yemen, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Arr.Qaxootiga Dr.Cali Muthanna, oo u hadlayay Wakaaladda Wararka ee Yemen'Saba' ayaa sheegay in ay shirkaas caalamiga ahi hor-geynayaan arrimaha 700-kun Qaxooti Soomaaliyeed ah ee ku sugan Yemen(Sida uu hadalka u dhigay).

Dr.Muthanna, ayaa waxaa kale oo uu intaas ku daray:- In dhibaatada ay dagaallada sokeeye u geysteen dalka Soomaaliya, kuma koobna oo kaliya soo firxadka Qaxootiga tirada badan, base, waxaa iyana dhibaato culus ku heysa marin-biyoodka Caalamiga ah Burcad-badeed Soomaaliyeed, oo haatan maraysa heerkii ugu xumaa.

Wasiir-Xigeenka reer Yemen ayaa waxaa kaloo uu tibaaxay:- In xal kama dambays ah oo loo helo Qaxootiga soo qulqulaya ay ku xiran tahay: iyada oo xal Siyaasadeed oo dhamaystiran  loo helo dhibaatada ka jirta Somalia.

Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu cabasho ka muujiyay culayska dhinacyada badan ee ay Qaxootiga Geeska Afrika ku hayaan Yemen, wuxuuna codsaday in ay Caalamku ka wada qayb qaataan qaadidda masuuliyadda aadaminimo ee laga aaddan arrinkan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli hadda lagu jiro bad-furankii ayna Doonyaha Tahriibku si xawli ah u soo daadgureynayaan Muhaajiriin u badan Soomali, kuwaas oo badankoodna joogto ugu le'anayaan Badda u dhexeya labada dal.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text