Loolanka ‘Doorashada’ Duqa magaalada London oo bilowday
Loolanka ‘Doorashada’ Duqa magaalada London oo bilowday
In ku dhow 90 casho ayaa ka harsan waqtiga doorashadu dhacayso, waxaana kol horeba bilowday loolan adag oo ka dhex furmay musharxiinta u tartamaya in loo doorto xilka, mansabka weyn, waa jagada Duqa London.
Ilaa 8 million oo reer London ah ayaa noloshooda dhaqaale, bulsho, nabadgelyo, degaan, uu siyaabo kala duwan u saameyn doonaa qofka ku guuleysta doorashada soo socota oo la qaban doono May 2012.
Duqa magaalada London ee hadda xilka haya, Boris Johnson oo mudadii la soo dhaafay isagu xilka hayey ayaa sahaminta ra’yiga dadka ee la uruuriyey, isagu ku horeeyey, waxayse hadda u muuqataa in uu dib u dhac ku yimid oo laga hormaray.
Waxaa si xoog leh kor ugu soo kacay ninka aad loo saadaalinayo in uu ku guuleysto doorashada soo socota, waa Ken Livingstone oo hore laba jeer oo is-xigay u noqday Mayor of London.
Hey’adaha lagu kala magacaabo ComRes, LBC, ITV London Tonight, Wargeyska the Evening Standard iyo YouGov, dhammaantood waxay sahaminta ra’yiga oo ay sameeyeen maalmo isku dhow oo toddobaadkii tegay iyo horraantii toddobaadkan, ay ku ogaadeen natiijo isku mid ah, oo caddaynaysa in Musharaxa Xisbiga Labour-ka, Ken Livingstone uu laba dhibcood kaga hormaray musharaxa Xisbiga Muxaafidka (Conservative) oo ah Boris Johnson, iyagoo kala haysta, Ken Livingstone 51%, Boris Johnson 49% .
Ololaha doorashada oo sii xoogaystay iyo Ken Livingstone oo ballan-qaaday in uu isbeddel ku sameyn doono qiimaha lagu raaco gaadiidka London, uuna dhimi doono qiimaha lagu raaco basaska iyo Tareenada magaalada, kuwaas oo run ahaan aad cirka ugu kacay afartii sano ee Boris Johnson magaalada Duq-maaglo ka noqday, ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelan doonto natiijada doorashada soo fool leh.
Weli loollanku waa ssocdaa, waana adag yahay, Ken Livingstone ama Boris Johnson.
C/qaadir Shire, London




