Home | Warar | Faallo: Baarlamaanka KMG ah iyo Roadmap-ka!

Faallo: Baarlamaanka KMG ah iyo Roadmap-ka!

image

'Baarlamaanka KMG ah iyo Roadmap-ka' - Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

Hey’adda sharci dejinta Soomaaliya, waqtigan la joogo waa Baarlamaanka KMG ah. Kuwaas oo shuruucda dejiya, doorta Madaxweynaha, xilkana ka qaada, kalsooni siiya Xukuumadda ama u diida, isla markaasna doorta afhayeenka Baarlamaanka. 

Hey’adda sidaas ah, masuuliyadda saarani waa weyn tahay, mana jirto cid ka sareysa oo kontrool ku leh saxnimada go’aamada ay qaataan oo aqlabiyad ku dhaca.

Isla markaas go’aamada muhiimka ah ee Xukuumaddu qaadato iyo heshiisyada dawladda Soomaaliyeed cid kale la gasho, waxay sharci noqon karaan marka Baarlamaanku ansixiyo oo keliya. 

Laakiin sida muuqata Xukuumadda KMG ah  iyo weliba Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas waxaa soo wajahday arrin yaab leh.  Waxaa kaloo isla arintaasi haysataa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.  Waa arrinta ku saabsan go’aankii Baarlamaanku aqlabiyad ugu codeeyey in uu Afhayeenkii xilka ka qaado, guddoon cusubna doortay.

Markaas oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisuba ku tilmaameen mid baadil ah!. Waxaa yaab leh, haddii ay sugan tahay in aqlabiyadda Baarlamaanku cod ku rideen in ay Shariif Xasan xilka ka qaadaan, markaas waxaa mugdi haraynayaa sida Madaxweynaha laftiisu u sii shaqayn karayo, haddii go’aankii Baraalamaanka isaga dhalay uu baadil yahay? 

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cabdiweli laftoodu isla duruuftaas ayey ku sugan tahay. Waayo, Prof Cabdweli Gaas isaga lafdtiisu wuxuu u degdegay in uu cambaareeyo go’aanka Shariif Xasan xilka looga qaaday!.  

Xog Wargesyka Kasmo helayo waxay muujinayaan in Xildhibaanada Golaha Shacbiga ee Shariif Xasan riday, ay aqlabiyadii Baarlamaanka yihiin, kalsooni buuxdana ku qabaan in ayan dib uga noqon doonin isbeddelka ka dhacay guddoonka Baarlamaanka. Waxay hubaan oo ku kalsoon yihiin in ugu dambeys, sarreynta sharcigu guuleysan doonto. 

Madaxweyne Sheekh Shariif, Prof Cabdiweli iyo Shariif Xasan waxay u muuqdaan kuwo ay ku hor-gudban tahay oraahda Soomaalida ee tiraahda: ‘Durbaan la xaday, goobtii tumi lahaa ayaa rabaa!”. 

Waxaa la mid ah sidii 'Roadmap-ka iyo Garowe Principles-kii' loo horkeeni  lahaa Aqlabiyadda Baarlamaanka oo doortay Guddoon cusub!. 

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 26 Jan 2012

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text