Howlgal Militari oo lagu soo furtay laba qofoo ajbani ah, Caddaado.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa afduubayaal Soomaali ah kasoo furtay 2 qof, ayagiina laayey.
Ciidamada sida qaaska u tababaran ee Mareykanka ayaa weeraray meel baadiye ah, agagaarka Caddaado oo burbacad badeed Soomaali ah ku haysteen labada qof oo u shaqeeynayey hay'ad miinooyinka bixisa.
9 burcad baddeeda ah, oo halkaas ku sugayey lacag dollar ah ayey askarta Mareykanku ku dileen daqiiqado yar gudahood, waxaana si nabadgalyo ah loo soo duuliyey labadii qof ee la haystay, waa Paul iyo Jessica.
Weerarkan ayaa dhacay goor habeenimo ah, waxaana fuliyey ciidanka mareykanka ee tababarka fiican leh oo adeegsanayey dayuuradaha qumaatiga u kaca.
Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa u hanbalyeeyey ciidankii fuliyey howlgalkaasi, waxaana guushaan ay ciidanka Mareykanku soo hoyeen iyadoo lagu jiro abaabulka tartanka hogaanka Mareykanka u noqotay Obama wax uu lasoo shir tago marka la raacsho tii Bin Laden askartu ku dishay sandkii tagay.
Kasmo Online
Nairobi




