Xarakada Al-shabaab Mujaahiddiin oo baahisay geerida Hogaamiye muhiim oo Muqdisho looga dilay
Hoggaamiye muhiim ah oo laga dilay Ashabaab weerar xagga cirka ah
War rasmi ah oo Xarakada Ashabaab Mujaahiddiin maanta (21 Jan.) soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in Bilaal Al-barjawi, asal ahaanna ka soo jeeday dalka Lubnaan, laakiin ku koray galbeedka London, dhalasho Britain haystay, lagu dilay weerar gantaallo lala helay gaari uu la socday, uuna halkaas ku nafwaayey.
Saacaddu markii ay ahayd 2:00 duhurnimo ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn 'loona yaqaan Drone' ay seddex gantaal ku weerartay gaariga uu la socday.
Bilaal Al-barjawi, loona yiqiin Abu Hafsa, waxaa uu kooxo diimaeedka Soomalaiya ku biiray, oo Muqdisho tegay Sannadkii 2006, wuxuuna ku biiray oo ka mid noqday Maxkamadihii Islaamiga ahaa, ilaa maantana Soomaaliya ayuu ku sugnaa, isagoo kaalin horseed ah ka soo qaatay, sida Shabaabku sheegeen, dagaalladii dhacayey oo idil.
Xarakada Al-shabaab Mujaahiddiin waxay sheegeen in geeridiisu ay noqonayso mid ay jihaadka ku sii nuursadaan.
Geerida Abu Hafsa ma jirto cid iyadu sheegatay in ay ka dambeysay, inkastoo la ogyahay in diyaaradaha noocan ah ay Marakanku leeyihiin, horena weeraro uga fuliyeen gudaha Soomaaliya, siiba gobollada koofureed ee dalka.
Kasmo Online




