Home | Warar | Ururka Ashabaab oo lagu weeraray Waqooyiga Muqdisho iyo goobo laga qabsaday

Ururka Ashabaab oo lagu weeraray Waqooyiga Muqdisho iyo goobo laga qabsaday

image Ciidanka Amisom

Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo guulo gaaray

Ururka Ashabaab oo lagu weeraray saldhigyo ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho ayaa weerar lagu qaaday aroornimadii Jamacada, 20kii Janaayo 2012. Weerarkaas oo ay wadajir u qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaa wararka ka soo baxayaa sheegayaan in Xarakada Ashabaab lagala wareegay dhul ballaaran oo saldhigyo ku lahaayeen Waqooyiga durugsan ee magaalada Muqdisho.

Goobaha la sheegay in Ashabaabka laga qabsaday waxaa ka mid ah  Qabuuraha Barakaat, Jaamacadda Muqdisho, Gubta iyo meelo kale, waxaana AMISOM iyo Ciidamada Soomaalidu sheegeen in ay guul muuqata dagaalka ka soo hooyeen, magaalada Muqdisho, dhamaanteed laga saaray Xarakada Ashabaab, dagaalkuna galay in lagu dagaallamo meelo ka baxsan Caasimadda.

Weerarkan cusub ee lagu qaaday fariisimadii ugu dambeeyey ee Ashabaab ku lahayd waqooyiga Muqdisho, waxaa labada dhinacba soo kala gaaray qasaare, waxaana  dhinac walba sheegtay guulo iyo qasaare uu u geystay dhinaca kale. Ugu yaraan 10 qof ayaa la soo weriyey in dagaalka ay ku dhinteen.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text