Warbixin: Hey’adihii Caafimaad ee Bariga London oo Midoobay
Hey’adihii Caafimaad ee Bariga London oo Midoobay
Maalintii Isniinta 16kii Janaayo, Bariga magaalada London waxaa ka dhacay shir ay ku kulmeen seddex hey’adood oo ku lug leh caafimaad iyo warbaahinta qaybo ka mid ah oo lagu casuumay. Kulankaas oo ka dhacay xarun lagu magacaabo Montefiore Centre intii u dhaxaysay 4-7 fiidnimo, waxaa ka qeybgalay Cabdulqaadir Shire oo ka socday Wargeyska Kasmo. Warbixintan ayuu ka qoray:-
‘Bariga magaalada London waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay Britain oo dhan, halka dadka ku nooli ugu cimri gaaban yihiin, sabab la xiriirta nolosha bulshada kala duwan ee Bariga deggan iyo waxyaabaha nolosha iyo caafimaadka gaasira oo ku badan, sida sigaarka, tubaakada, Paanka, Daroogada iyo Qaadka.
Laakiin Bariga London wixii Sannadka 2012 ka dambeeya waa isbeddelayaa, waxaana uu noqonayaa wax lagu tilmaami karo ‘Qiblada Dunida’ inta ay socdaan Cayaaraha Olymbikada.
Isbeddelka weyn ee Bariga London ku soo kordhay waxaa ku jira mid xagga caafimaadka iyo adeegyada la xiriira ku saabsan. Taas oo seddex hey’adood oo waaweyn oo kala ah Barts and The London NHS Trust, Whipps Cross University Hospital NHS Trust iyo Newham University Hospital NHS Trust, ay isku biireen, ooh al hey’ad isku noqdeen.
Warbixin lagu faahfaahinayey ujeedada isku biiridda (Merger) seddexdaas hey’adood iyo faa’iidooyinka ku jira, waxaa kulanka Saxaafadda loogu yeeray, u soo bandhigay seddex taqtar oo madax u ah hey’adaha isku biiray (Midoobay).
Dr Steve Ryan, Medical Director of Barts and The London NHS Trust, Dr John Hogan, Medical Director, Whipps Cross University Hospital NHS Trust iyo Dr Mike Gill, Medical Director, Newham University Hospital NHS Trust ayaa kulan saxaafadeedka si wadajir ah ula hadlayey. Iyagoo sheegay in isku biiradda heyadahan ay keeni doonto adgeegii caafimaad oo la sahlo, tayadiisa oo kororta, aqoonta, cilmi baarista iyo qalabka casriga ah oo la iska kaashado, iyo kharajka oo sannad walba la dhimo £25million.
Isku daranka (Midowga) sedexdaas hey’adood, waxaa ka dhalanaya hey’ad caafimaad tan ugu weyn oo England ka jirta, waxaana la qiyaasayaa in ay horseedi doonto isbeddel xagga adeegga caafimaad ee bariga London iyo ka durugsanba.
Xigasho: Kasmo Newspaper, London 19 Jan 2012




