Markabkii Costa Concordia iyo ‘Tamashlaha halligmay’
Markabka Costa Concordia iyo ‘Tamashlihii halligmay’
Wuxuu ahaa markab raaxo, kuwooda ugu casrisan. Culeyskiisa waxaa lagu sheegay 114,500-tonne, dherarkiisana 290-metre. Waxaa la socday oo saarnaa rakaab dhan 4,200 qof oo isugu jiray dalxiisayaal iyo shaqaalihii markabka.
Fiidnimadii 13ka Janaayo oo Jamce ahayad, Costa Concordia, wuxuu isagoo badqaba, lana raaxaysanayo, dhex tamashleynayey Mediterranean-ka, Jasiiradda Giglio, meel ku dhow xeebta gobolka Tuscany ee dalka Talyaaniga.
Qiyaasta 8:00pm, 13kii Janayo 2012, Costa Concordia wuxuu la kulmay shil, ka dib markii si aan la filayn uu dhagax, jabal weyn xabadka ku dhuftay, ka dibna sinta dhigtay, biyaha badduna bilaabeen in ay hoos ula sii shiidaan!. Naakhuudihii Costa Concordia isagaa noqday qof naftiisa la baxsada kii ugu horreeyey, halkii ay ka ahayd in uu noqdo qofka ugu dambeeya ee isagu markabka ku hara inta dadka la badbaadinayo.
Costa Concordia waa halaagsaday, waxaana ilaa hadda lagu jiraa baadi-goobka dadka weli maqan, oo ka badan 20 qof. Waxaa iyana la xaqiijiyey geerida in ka badan 11 qof, una badan Jarmal iyo Faransiis.
Dadkii badankoodii waa la badbaadiyey, waxaase ugu nasiib badnaa lamaane aroos ahaa, una dhashay Koofur Kuuriye oo laba maalmood ka dib iyagoo nool laga soo saaray khan hoose ee markabka biyaha dhex jiifa.
Hoggaamin xumo loo nisbeeyey darteed, Kabtankii Markabka waa la qabtay, waxaana ku socda baaritaan, iyadoo dadka wixii masiibadaas ka soo badbaaday, loo kala daad-gureeyey dalalkoodii.
C/qaadir Shire




