Sharci ma tahay in 'Maamul Goboleed' galo heshiis lagu soo saarayo Shidaal?
Dooxada Daroor iyo Puntland oo bilowday soo saarista Shidaalkii Soomaaliya
16kii bishan, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo saraakiil kale oo maamulkiisa ka mid ah waxay ka qaybgaleen munaasabad warbaahinta laga baahiyey, kuna saabsanayd xaflad lagu qabtay Ceel Shidaal oo laga qodayo Dooxada Daroor, meel lagu qiyaasay in ay 100km u jirto Boosaaso.
Howshaas shidaal baarista oo in muddo ahba la hadal hayey ayaa shirkado Reer Australia iyo Canadian ah ay ku luglahaayeen, waxay iminka u muuqataa in heerkii shidaal soo saarista loo gudbay, iyadoo ay dhab tahay in baahi weyn loo qabo in la manaafacaadsado, oo la soo saaro khayraadka dalka ku jira.
Hase ahaatee inta aan jawaab loo helin waa kuwama Shirkadaha xilligan Soomaaliya qayb ka mid ah Shidaal ka soo saaraya (Profile-ka Shirdkadan shidaalka qodaya?) ayaa waxaa imaanaysa su’aal ah: Maamulka Puntland sharciyad ma u leeyahay in uu daraf kale heshiis kula gelo baaritaan iyo soo saarid khayraadka dalka ‘Shidaal’?.
Hadalka Cabdiraxmaan Faroole: ‘Marka shidaalka la soo saaro, cidna kuma qadi doonto’ oo ah hadal dhiiri-gelinaya in laga wada faa’iidi doono shidaalka ka soo baxa Dooxda Daroor, haddana Cabdiraxmaan Faroole iyo maamulkiisaba waa ku adkaan doontaa in ay caddeeyaan, sharciyadda ay u haystaan in ay Shirkado Heshiis kula galaan Shidaal baaris iyo soo saaridba!!.
Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ee fadhigiisu Muqdisho yahay, iyaga weji-gabax u harsan ma jiro, mar haddii ayan joojin, kana hadli karin qayb ka mid ah dalka oo shidaal qodis ka bilaabatay!!.
C/qaadir Shire, London




