Home | Warar | Taleex oo mar kale taariikhda gashay iyo Maamul goboleedka 'Khaatumo' oo lagu dhawaaqay

Taleex oo mar kale taariikhda gashay iyo Maamul goboleedka 'Khaatumo' oo lagu dhawaaqay

image Taleex

Taleex: Maamul goboleedka 'Khaatumo' oo lagu dhawaaqay

In koww boqol sano, mar kale ayaa Taleex taariikhda gashay. Horay waxay u ahayd Xaruntii Daraawiish ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, horraantii Qarnigii hore. Waxay ahayd halkii laga hoggaaminayey dagaalkii lagala horjeeday gumeysiga reer Yurub, weliba kii Britain ee Soomaaliya gumeysanayey.

Maanta mar kale ayey Taleex taariikhda gashay, iyadoo aan markan xarun u ahayn dagaal lagala soo horjeedo xoogag gumeysi ah. Waxay markaan xarun u ahayd shirweyne ay reer Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) uga tashanayeen aayahooda, Soomaalida dagaalka sokeeye isku dishay, kuna burburtay.

Sidaas darteed, 16kii Janaayo 2012, shirka KhaatumoII wuxuu ku dhawaaqay Maamul goboleed lagu magacaabo 'Khaatumo'. Kaas oo soo dhoweyn iyo taageero Soomaali badani u hayaan, loona arkayo in uu sii xoojin doona midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa Maamulku yeelanayaa Golaha Duqeyda, Golaha Wakiillada iyo Wasiirro ay Madax u yihiin saddex Madaxweyne oo ku wada jira Golaha Madaxtooyada, lehna guddoon meerto ah..

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text