Home | Warar | Somaliland oo weerartay Degmada Buuhoodle 'khudbaddii Siilaanyo' ka dib

Somaliland oo weerartay Degmada Buuhoodle 'khudbaddii Siilaanyo' ka dib

image Siilaanyo

Somaliland oo weerar ku qaadday magaalada Buuhoodle!

Shalay oo bishu ahayd 15kii Janaayo 2012, Maamulka la baxay Somaliland waxaa ciidamadiisu weerar ku qaadeen Degamada Buuhoodle, waxaana halkaas ka dhacay dhimasho iyo dhaawac, burbur iyo qax baahsan.

Dagaal waqti dheer socday, oo dadweynihii iyo ciidamadii magaaladu isugu tageen, waxaa ugu dambeys guushu raacday magaaladii la soo weeraray, waxaana ciidamadii maamulka Siilaanyo laga wada saaray qaybihii ay ka soo galeen magaalada, iyadoo la geeyey ilaa meel 5km ka baxsan magaalada. Wxaa socda colaad aan ku ekayn oo keliya Degmada Buuhoodle.

 Maxaa loo weeraray Magaalada Buuhoodle?

Khudbad uu jeediyey Madaxweyne Siilaanyo, maalin ka hor weerarka Buuhoodle, wuxuu ku sheegay in uu daafacayo waxa uu ugu yeeray 'Midnimada Somaliland' isagoo sheegay in Somaliland lagu soo duulay. Wuxuu erayo colaad xambaarsan hawada u mariyey Shirka Khaatumo2 ee degmada Taleex uga socda ergooyin meelo kala duwan isaga kala yimid.  Halkaas oo beelaha SSC ay maalmo ka hor Maamul Goboleed uga dhawaaqeen, kaas oo ay caddahay in uusan taageero u ahayn mashruuca kala goyenta, ay ku dhisan tahay Somaliland.

Dhinaca gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn 'SSC' marka laga reebo, Siilaanyo iyo maamulkiisa waxaa iyana kacdoon uga socdaa gobolka Awadal iyo Baki, waa dhinaca galbeed ee Somaliland, kuwaas oo dhowaan ku dhawaaqay Maamul Goboleedka Awdal State. Waxay iyaguna ka soo horjeedaan  kala goyenta Soomaaliya, waxaana hoggaankeedii sare ee Awdal State ay maalmaha booqasho ku joogaan magaalada Muqdisho.

Isla markaas, gudaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo kuwo kaleba waxaa ka socda guux isa soo taraya, oo su'aal ka qaba halka ay Somaliland u socoto iyo khayrka la gaari waayey in ka badan 20 sano oo la raadinayey ictiraaf 'Aqoonsi'.

Xaqiiqooyinkaas oo ah kuwo isbiirsaday, maamulka Somaliland ee Siilaanyo waxay la gashay in ay weear qaadaan, dhiig shanta daraan!. Dagaalka Buuhoodle taas ayuu hordhac u yahay, waxaase isweyddiintu tahay: Tolow, jiritaanka 'Somaliland' ma lagu difaaci karaa beelaha diiddan oo la xasuuqo?.

Maamulka Siilaanyo, hubaal, wuxuu qaaday weerar uusan hubin waxa cawaaqibku noqon doono!.

C/qaadir Shire, London 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text