Ururka Ashabaab oo nolol ku qabsaday Saraakiil Kenyaan ah, qaar kalena dilay
Wra Saxaafadeed uu soo saaray Ururka Ashabaab iyo sheegasho in qabteen maxaabiis Kenyaan ah
Hadal qoraal ah - Press Release - oo soo gaaray Wargeyska Kasmo, ayna soo saartay Xarakada Al-shabaab Al Mujaahiddiin ayaa waxay ku sheeganayaan in weerar si wacan loo qorsheeyey ay ku qaadeen saldhig Booliska iyo saraakiisha Dawladda Kenya ku sugnaayeen ee Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Sida Ashabaab sheeganayo, dhibaato weyn ayey halkaas ka geysteen, waxaana ay nolol kula tageen tiro maxaabiis ah, hub iyo qalab ciidan oo ay furteen. Waxay sheegeen in ay isla goobtaas ku dileen 7 sarkaal oo isugu jira Boolis iyo madaxdii maamulka Degmada.
Warka ku saabsan in weerarka Shabaabku fuliyeen uu jiro, saraakiil lagu dilay, qaarna la la'yahay, dawladda Kenya waa sheegtay. Hase ahaatee guuldarada halkaas ka dhacday, waxaa muuqata in dawladda Kenya lafteedu ayan faahfaahin sugan ayan weli bixin karin.
C/qaadir Shire, London




