Haddii qoraalka IGAD run yahay- Somalia gumeysi ayey ku jirtaa
Wargesyka Kasmo oo faaqidaad ka diyaariyey haddii uu run yahay qoraalkii IGAD?
Qoraal ku taariikheysan 9kii bishan Janaayo 2012 ayaa soo baxay, waxaana si aan hore loo arag, lagu cambaaraynayaa go’aankii mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood, laakiin aqlabiyad ahaa, xilka uga qaadeen Afhayeenkoodii, mid cusubna ku doorteen.
Qoraalkaas oo ku qoran luqadda English-ka, waxaa soo xigtay oo laga baahiyey warbaahin kala duwan oo ay ku jiraan VOA-da, BBC-da, TV-yo, raadiyow iyo mareegyo Internet (Shabakado).
Yaa soo saaray Qoraalka?
Guddoonka cusub ee Baarlamaanku waxay isla markiiba shaki geliyeen, in qoraalkan uusan ka soo bixin meel kale, ee lagu diyaariyey gudaha magaalada Muqdisho, weliba been-abuurna yahay!.
Hey’adaha warbaahinta ee baahiyey warka qoraalka, goobta (magaalada) uu ka soo baxay, qaarba si ayey u sheegeen. Qaarkood waxay baahiyeen in laga soo saaray Addis Ababa, kuwo kale waxay sheegeen Nairobi, qaar Jabuuti, halka kuwo kale ku ekaadeen faafinta, in qoraal soo baxay, oo keliya.
Muhimadda sheegista halka go’aanka lagu gaaray.
Marka qoraalka la fiiriyo, wuxuu muujinayaa taariikhda la qoray, wuxuuna ku daabacan yahay warqad ‘Letterhead’ ay leedahay IGAD. Laakiin qoraalku ma sheegayo golaha wasiirada ee soo saaray, halka uu kulankoodu ka dhacay, dalalka IGAD ee joogay iyo taariikhda kulankaasi qabsoomay!.
Anshaxa qoraalka
Afka qoraalku ku qoran yahay waa mid xambaarsan cambaareyn toos ah oo hal dhinac lagu weerarayo, dhinacna lagu taageerayo, waa dhinaca afhayeenka xilka laga qaaday. Wuxuu sharci-darro ku tilmaamayaa go’aanka kuwa xilka ka qaaday, laakiin ma bixinayo wax tilmaan ah oo muujinaya, in lagu xad-gudbay qodob oo ka mid ah Axdiga KMG ah!. Weliba qoraalka waxaa ku jira erayo aflagaaddo, handaad iyo cabsi-gelin ah.
Haddii ay run tahay cidda qoraalka soo saartay!?
Marka laga soo tago ‘tuhunka’ laga qabi karo runnimada in 'Gole Wasiir goboleed' soo saari karaan qoraal sidan ah; haddana ‘haddii’ ay sugnaanto in Golahaasi soo saareen warqadda la baahiyey; markaas Soomaaliya ha oggolaato in ay gacan gumeysi oo toos ah ku jirto.
Wargeyska Kasmo, London




